web-development

Waa Maxay npm?

npm (Node Package Manager) waa tool terminal-ka lagu isticmaalo oo packages-ka JavaScript lagu soo shubo, lagu maamulo, scripts-ka project-kana lagu fuliyo. Node.js markaad computer-kaaga ku shubto, npm wuu la socdaa.

Sidoo kale loo yaqaan
npm, npm-ka, NPM, npx

Sharaxaad

Code walba naftaada uma qorto. Qof kale ayaa horay u qoray oo package ahaan u saaray internet-ka, npm-na waa suuqa laga soo qaato. Markaad npm install dhahdo, package-ka iyo waxa uu isagu u baahan yahay waxay ku soo degayaan folder-ka node_modules. Folder-kaas si dhakhso ah ayuu u weynaadaa: mararka qaar 300MB ilaa 400MB. Sidaas darteed GitHub-ka lama saaro; .gitignore ayaa loogu daraa, qofka code-kaaga soo qaatana npm install ayuu dhahaa oo isagu ayaa dib u dhisanaya.

Xogta oo dhan waxay ku qoran tahay package.json: magaca project-ka, liiska packages-ka iyo scripts-ka. Scripts-ku waa amarro gaagaaban: npm start project-ka bilow, npm run build version-ka production-ka diyaari, npm run dev server-ka horumarinta fur. npx waa mid ka duwan: tool ayuu mar keliya u shaqaaliyaa adigoo aan ku shubanin, sida npx create-next-app. Talo: package walba ha soo dejin. Package kastaa waa code qof kale, sidaas darteed magaca hubi, download-yadiisa fiiri, oo mid la dayactiro dooro.

Tusaale

npx create-next-app@latest my-app cd my-app npm install npm run dev

Afar sadar: project cusub samee, gudihiisa gal, packages-ka soo shub, kadibna server-ka horumarinta fur. Kadib localhost:3000 ayaad furaysaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

npm, package.json iyo backend-ka Node.js: Node.js Backend & REST API. Aasaaska luqadda: Baro JavaScript Af-Soomaali. Project-ka ugu horreeya ee React: Baro React JS Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Bilaabista Project-ka iyo Create React App 8:26

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

npm, yarn iyo pnpm farqigoodu waa maxay?
Saddexdaba isla shaqada ayay qabtaan. yarn iyo pnpm way ka dhakhso badan yihiin oo meel yar ayay qaataan. Project kasta hal mid keliya u isticmaal, si lock file-ku uusan is-khilaafin.
Cilad markay soo baxdo maxaan sameeyaa?
Inta badan node_modules iyo lock file-ka tirtir, kadibna `npm install` dib u dheh. Haddii ay adkaato, cilad-sheegga koobiyi oo Google gee: link-ga ugu horreeya inta badan xalka ayaa ku jira.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska