software-engineering

Waa Maxay package?

Package waa xirmo code ah oo qof kale diyaariyay, oo aad project-kaaga ku soo dejisato oo isticmaasho, si aadan shaqada mar kale u qorin. Python-ka math iyo Node-ka express labaduba waa packages.

Sidoo kale loo yaqaan
package-ka, packages-ka, module

Sharaxaad

Marar badan waxa aad u baahan tahay dad kale ayaa horay u qoray. Python-ka math wuxuu wataa xisaabta oo dhan: square root, sine, ceiling iyo log. Adigu ma qoraysid, waxaad tidhaahdaa import math, kadibna waad isticmaashaa. Isla fikraddaas ayaa JavaScript-ka ku jirta: npm install ayaad tidhaahdaa, node_modules ayuu ku soo dejiyaa, package.json-na wuxuu xusuustaa waxa project-kaagu u baahan yahay. Sidaas ayaa qof kale project-kaaga ku ordin karaa hal command.

Package wuxuu waqti badan kaa badbaadiyaa, laakiin mas'uuliyad ayuu la socdaa. Package kasta oo aad ku darto waa in aad eegto: yaa haya, goorma ayaa la cusboonaysiiyay, dhibaato amni ma leeyahay. Package aan la taabanin laba sano waa calaamad xun. Marka AI-gu code kuu qoro, packages-ka uu doortay si gaar ah u hubi: mararka qaar wuxuu soo qaataa kuwo duugoobay, maxaa yeelay xogtiisu taariikh go'an ayay ku eg tahay. Laba package oo aad taqaanno ayaa ka fiican toban aadan garanayn.

Tusaale

import math print(math.sqrt(16)) # 4.0 print(math.ceil(2.3)) # 3

math waa package-ka, sqrt iyo ceil-na waa functions horay laguu diyaariyay. Node-ka isla sidaas: npm install express, kadibna import express from "express".

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Packages-ka Node-ka, npm iyo dhisidda API real ah: Node.js Backend & REST API. Modules iyo packages-ka Python, bilaash: Ku Baro Python Af-Soomaali

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Modules iyo Packages: Importing 2:18:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Package iyo library farqigoodu waa maxay?
Library waa code dib loo isticmaali karo. Package waa qaabka la duubay ee lagu qaybiyo, sida npm ama pip. Inta badan isku macne ayaa loo isticmaalaa.
Meeqa package ayaan isticmaalaa?
Inta shaqadu u baahan tahay. Packages badan waa culays: build-ku wuu gaabiyaa, meelaha halista ahna way kordhaan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Package? npm iyo Python Packages Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye