software-engineering

Waa Maxay terminal?

Terminal waa barnaamij computer-ka amarro qoran lagu siiyo, halkii mouse lagu isticmaali lahaa. Waxaa sidoo kale la yiraahdaa command line ama CLI (Command Line Interface).

Sidoo kale loo yaqaan
terminal-ka, command line, CLI, CMD

Sharaxaad

Developer kasta terminal ayuu maalin walba isticmaalaa: folders ayuu ku kala aadaa, project ayuu ku bilaabaa (npx create-react-app, bun install), server ayuu ku run-gareeyaa, Git ayuu ku maamulaa. Windows-ka waxaa jira Command Prompt iyo PowerShell, Mac-ga Terminal iyo iTerm, VS Code iyo Cursor-na terminal gudaha ah ayay leeyihiin.

Xilligan AI-ga terminal-ku wuu ka sii muhiimsan yahay sidii hore: tool-ka coding-ka ugu muhiimsan maanta, Claude Code, terminal-ka ayuu ku shaqeeyaa. Haddaadan folder ku kala aadi karin, file ku samayn karin, ama command ku qori karin, agentic tools-ka si buuxda uma isticmaali kartid. Amarrada aasaasiga ah waa yar yihiin: cd (folder u gudub), ls ama dir (waxa ku jira arag), mkdir (folder samee), code . (VS Code ku fur).

Tusaale

Project React cusub: terminal-ka fur, cd Documents/builds ku qor, npx create-react-app get-started ku qor, cd get-started, kadib npm start. Afar amar, project-kaagu wuu shaqaynayaa. Claude Code isla terminal-kaas ayaad ku furaysaa: claude ayaad qoraysaa, agent-ka ayaa project-ka kula galaya.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Terminal-ka, Git iyo project-ka ugu horreeya: HTML, CSS, Tailwind & GitHub: Ship Your First Website. Terminal-ka Claude Code: Agentic Coding with Claude Code.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

React course: terminal-ka iyo npx create-react-app 6:30

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Terminal-ka ma adag yahay?
Maya. Toban amar ayaad u baahan tahay shaqada maalinlaha ah, hal saac ayaad ku baranaysaa. Waxa dadka ka cabsiiya waa muuqaalka madow oo keliya.
Windows mise Mac?
Labaduba way shaqeeyaan. Windows-ka PowerShell ama Git Bash isticmaal si amarradu u noqdaan kuwa Mac iyo Linux la mid ah.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Terminal? Command Line Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye