Waa Maxay library?
Library waa urur code ah oo ku siiya functions iyo components diyaar ah, si aad shaqo gaar ah ugu qabsato adigoon dib u qorin. Adigaa go'aansanaya goorta aad wacayso: library-ga adigaa maamula.
Sidoo kale loo yaqaan
library-ga, libraries, library-yada
Sharaxaad
Tusaale: waxaad rabtaa canvas app-kaaga ku dhex jira oo user-ku wax ku xariiqi karo. Laba bilood ma qaadanaysid. Library la yiraahdo tldraw ayaad soo dejisataa: panel-ka xariiqidda, tools-ka iyo shapes-ka way la yimaaddaan, adiguna waxaad ku darsataa waxa app-kaagu u gaar yahay. Charts, taariikhda iyo waqtiga, animations, forms iyo payments: qaybo badan library ayaa loo sameeyay.
Farqiga u dhexeeya library iyo framework waa fudud: library adigaa wacaya, framework-na isagaa ku wacaya. React waa library: waxaad ku dhex ridi kartaa project aad adigu qaabaysay. Next.js waa framework: qaab buu leeyahay oo aad raacdo, folders, routing iyo xeerar. Marka aad library dooranayso, saddex shay eeg: ma la isticmaalaa, documentation ma leedahay, iyo cusboonaysiin ma leh. Library aan la taabanin sannado waxay noqotaa culays, gaar ahaan marka aad app real ah maamulayso.
Tusaale
import { Tldraw } from "tldraw";
export default function Canvas() {
return <Tldraw />;
}
Hal component, canvas dhammaystiran oo shaqaynaya. Kadib sawirka user-ku xariiqay ayaad model-ka u dirtaa, HTML iyo Tailwind CSS-na waad ka soo saaraysaa. Halkaas ayay library-yadu waqtiga ku badbaadiyaan.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
React, oo ah library-ga ugu caansan front-end-ka, bilaash: Baro React JS Af-Soomaali. Libraries-ka Python: Ku Baro Python Af-Soomaali. Bilowga guud: Baro Programming Af-Soomaali
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Design Code-ka iyo library-ga tldraw 5:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Library ma qoraa mise ma isticmaalaa?
- Bilowga waad isticmaashaa. Markaad heer sare gaarto, code aad mar walba ku celiso waxaad ka dhigi kartaa library gaar ah oo aad projects-kaaga oo dhan ku wadaagto.
- Libraries badan miyaa waxyeello leh?
- Haa marka la xad-dhaafo. Library kastaa size, updates iyo amni ayuu la socdaa. Wixii aad si fudud u qori karto, iska qor.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay package?
Package waa xirmo code ah oo qof kale diyaariyay, oo aad project-kaaga ku soo dejisato oo isticmaasho, si aadan shaqada mar kale u qorin. Python-ka math iyo Node-ka express labaduba waa packages.
Waa Maxay npm?
npm (Node Package Manager) waa tool terminal-ka lagu isticmaalo oo packages-ka JavaScript lagu soo shubo, lagu maamulo, scripts-ka project-kana lagu fuliyo. Node.js markaad computer-kaaga ku shubto, npm wuu la socdaa.
Waa Maxay component?
Component waa qayb UI ah oo madaxbannaan oo dib loo isticmaali karo: header, button, card, form. React-ka page kasta components ayaa laga dhisaa, sida dhismo bulukeeti laga dhiso.