artificial-intelligence

Waa Maxay Gemini?

Gemini waa taxanaha models-ka AI ee Google, waana magaca app-ka iyo API-ga lagu isticmaalo. Laba nooc oo waaweyn ayuu leeyahay: Pro oo shaqooyinka culus qaada, iyo Flash oo degdeg ah oo jaban.

Sidoo kale loo yaqaan
Gemini-ga, Google Gemini, Gemini Flash

Sharaxaad

Google waxay Gemini ku dhex dartay adeegyadeeda: Search, Workspace iyo telefoonnada Android. Developers-ku waxay ku gali karaan API, waxaana jira sidoo kale AI Studio iyo tools-ka coding-ka sida AntiGravity. Bilihii dambe, focus-ku wuxuu saarnaa models Flash-ka ah: xawaare, qiimo jaban iyo context aad u weyn. Qaybta sawirka, video-ga iyo design-ka ayuu si gaar ah ugu fiican yahay, taasina waa sababta dad badan sawir-sameynta ugu isticmaalaan.

Marka la yimaado agentic coding, Gemini waxaa badanaa lagu dhaleeceeyaa inuusan agent-nimada ku fiicnayn sida Claude ama Codex, laakiin design-ka iyo qurxinta interface-ka natiijo wanaagsan ayuu ku soo saaraa. Sidaas darteed dad badan hab isku dhafan ayay isticmaalaan: prompt-ka Gemini ka qaad, agent kalena fulin ha ku sameeyo. Model kasta xoog iyo daciifnimo ayuu leeyahay; shaqada aad hayso ayaa doorashada go'aamisa, ma aha magaca shirkadda.

Tusaale

Application horay loo dhisay ayaan rabay in design-kiisa la casriyeeyo. Gemini shaqada tooska ah kuma bilaabin; waxaan ku iri: "Prompt faahfaahsan ii qor si agent-kaygu design fiican u sameeyo". Prompt-kii uu soo saaray ayaan agent-ka coding-ka u dhiibay, isaguna wuu fuliyay. Kaasi waa hab caadi ah: model mid prompt-ka qora, midna shaqada fuliya.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Models-ka kala duwan, API-yadooda iyo sida loo isbarbardhigo: AI Engineering Masterclass. Aasaaska: Waa Maxay AI? iyo Waa Maxay LLMs?

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca Gemini 3.7 Flash iyo AntiGravity 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Gemini bilaash ma yahay?
Heer bilaash ah oo xaddidan ayaa jira, app-ka iyo API-ga labadaba. Isticmaalka badan waa la iibsadaa.
Gemini mise Claude?
Coding-ka iyo agents-ka Claude ayaa hormuud ku ah. Sawirka, video-ga iyo design-ka Gemini ayaa ku fiican. Labadaba tijaabi, shaqadaadu ayaa go'aan ku ah.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Gemini? Models-ka AI ee Google Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye