artificial-intelligence

Waa Maxay agent?

Agent waa software AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna keligiis tallaabooyinka qaada ilaa shaqadu ka dhammaato. Model-ku waa maskaxda, tools-kuna waa gacmaha uu wax ku qabto.

Sidoo kale loo yaqaan
agent-ka, agents-ka, AI agent

Sharaxaad

Chatbot su'aal ayaad weydiisaa, jawaab ayuu ku siiyaa, halkaas ayay ku dhammaataa. Agent-ka hadaf ayaad siisaa: "wax hebel ii raadi", "xogtan report ka samee", wuuna sii socdaa ilaa uu natiijada soo gaaro. Model keligiis, ha ahaado Claude ama GPT, agent ma noqon karo: awoodda agent-ka siisa waa tools-ka. Tools-ku waa gacmaha: internet-ka wax ka raadi, files-ka computer-kaaga ka akhri, click sii, document qor, natiijada hubi. Afar tool kuma eka, boqol tool ayuu lahaan karaa.

Agent-ku wareeg ayuu ku shaqeeyaa: wuu fikiraa, tool ayuu doortaa, wuu fuliyaa, natiijada ayuu eegaa, kadibna tallaabada xigta ayuu qaadaa. Sidaas ayuu code ku qoraa, tests ku fuliyaa, cilad ku saxaa. Marka shaqadu weyn tahay, agent-ka weyn (orchestrator) sub-agents ayuu u qaybiyaa, mid walbana context gaar ah ayuu leeyahay, si context-ka weyn uusan u buuxsamin. Saddex shay ayaa agent wanaagsan sameeya: hadaf cad, tools ku habboon, iyo permissions aad ku qeexdo waxa uu taaban karo.

Tusaale

tools: { getWeather: { description: "Cimilada magaalada soo qaad", parameters: { magaalo: "string" }, execute: async ({ magaalo }) => fetchWeather(magaalo), }, }

User-ku wuxuu weydiiyaa "Muqdisho cimiladeedu maanta sidee tahay?". Model-ku wuxuu go'aansadaa inuu getWeather isticmaalo, tool-ku xogta wuu soo celiyaa, model-kuna jawaab Af-Soomaali ah ayuu ka dhisaa. Kaasi waa agent yar.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Agents, tools iyo RAG oo la dhisayo: AI Engineering Masterclass. Agents-ka coding-ka: Agentic Coding with Claude Code. Aasaaska bilaash: Waa Maxay AI Agent?

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Sameynta iyo Adeegsiga Sub-Agents 1:25:02

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Agent iyo chatbot farqigoodu waa maxay?
Chatbot-ku wuu hadlaa oo halkaas ayuu ku joogaa. Agent-ku wuu hadlaa oo wuu qabtaa: tools ayuu isticmaalaa, tallaabo kadib tallaabo, ilaa uu hadafka gaaro.
Agent ma dhisi karaa qof aan AI baran?
Aasaaska programming-ka iyo API waa lagama maarmaan. Markaad JavaScript ama Python taqaanno, agent yar oo laba tool wata maalin ayaad ku dhisi kartaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Agent (AI Agent)? Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye