artificial-intelligence

Waa Maxay Claude?

Claude waa AI assistant iyo model ay samayso shirkadda Anthropic. Waxaa loo isticmaalaa sheeko, qoraal, falanqayn iyo gaar ahaan coding, waana model-ka ka dambeeya Claude Code.

Sidoo kale loo yaqaan
Claude AI, Claude-ka, Anthropic Claude

Sharaxaad

Claude wuxuu yimaadaa dhowr qaab. Website-ka iyo app-ka Claude waxaad kula sheekaysataa sida ChatGPT oo kale, files ayaad siin kartaa, projects ayaad ka samaysan kartaa. Claude Code waa tool agentic-ka ah oo terminal-ka ku shaqeeya, code-kaaga akhriya, beddela, oo tijaabiya. Claude Design iyo Cowork waa qaybo cusub oo design iyo shaqo wadajir ah loogu talagalay. Developers-ku API ahaan ayay Claude ugu dhisaan applications.

Models-ka Claude waxay u kala baxaan heerar: kuwa yar oo fast ah, kuwa dhexe, iyo kuwa ugu awoodda badan oo su'aalaha adag iyo coding-ka ugu fiican. Waxa Claude lagu amaano waa in coding-ka uu si qoto dheer u galo, tilmaamaha dhaadheer raaco, oo jawaabihiisu nadiif yihiin. Isbarbardhig aan sameeyay, Claude Code wuxuu ku dhammeeyay app dhammaystiran hal saac iyo 17 daqiiqo, natiijo quality sare leh.

Tusaale

Claude Code waxaad ku leedahay: "spec-gan akhri, plan ii soo jeedi, kadib tasks u kala jebi". Wuxuu akhriyaa project-ka, plan ayuu soo bandhigaa, adigaa approve-gareynaya, kadibna sub-agents ayuu shaqada u kala diraa. Taasi waa agentic coding.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Koorso bilaash ah oo Claude Code ah: Baro Claude Code Af-Soomaali. Koorsada buuxda ee app real ah lagu dhisayo: Agentic Coding with Claude Code.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Baro isticmaalka Claude AI, Claude Cowork, Claude Design 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Claude mise ChatGPT?
Coding-ka iyo qoraalka dheer Claude ayaa inta badan ka fiican; sawir sameynta iyo tools-ka guud ChatGPT. Labadaba tijaabi, shaqadaada ayaa go'aaminaysa. [Isbarbardhig buuxa](https://dugsiiye.com/blog/claude-code-cursor-codex-yaa-fiican).
Claude Soomaaliya ma laga isticmaali karaa?
Haa, Claude Code hadda Soomaaliya waa laga heli karaa, website-kana waa la isticmaali karaa. Lacag bixinta kaarka ayaa loo baahan yahay.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Claude? Claude AI Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye