software-engineering

Waa Maxay CLI?

CLI (Command Line Interface) waa habka barnaamij loola shaqeeyo adigoo amar qoraya, halkii badhan la riixi lahaa. Terminal-ka ayaad amarrada ku qortaa.

Sidoo kale loo yaqaan
CLI, CLI-ga, command line, command line interface

Sharaxaad

Barnaamij kastaa laba muuqaal ayuu yeelan karaa: mid sawir leh oo la riixo, iyo mid amarro qoraal ah ee lagu wado. CLI-gu waa kan labaad. Bilowga wuu adag yahay, laakiin markaad barato wuu ka dhakhso badan yahay: hal sadar ayaa qabanaya shaqo riixyo badan qaadan lahayd, waana la soo laalaabi karaa oo script laga dhigi karaa.

Tusaalayaal maalin walba la isticmaalo: npm, git iyo Claude Code. Claude Code CLI ahaan ayuu ku shaqeeyaa, waana halka awoodda buuxda laga helo: commands sida /help iyo /context, skills, agents iyo MCP dhammaantood halkaas ayay ku jiraan. Extension-ka VS Code wuu jiraa, wuxuuna bilowga kuu fududaynayaa, laakiin wax walba oo CLI-ga lagu sameeyo halkaas ayaa lagu samayn karaa.

Ku bilow amarro kooban: ls oo file-asha tusa, cd oo folder ku gelinaya, mkdir oo folder samaynaya. Kadib waxaa ku xigaya kuwa shaqadaada la xiriira sida git status iyo npm run dev.

Tusaale

cd my-app npm run dev

Laba sadar: folder-ka gal, kadibna server-ka horumarinta kici. Isla terminal-kaas ayaad ku wadi kartaa git, Claude Code iyo shaqo kasta oo kale.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

CLI-ga, commands-ka, skills iyo agents: Agentic Coding with Claude Code. Free-ga: Baro Claude Code Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Ku dhex shaqaynta CLI-ga iyo Amarrada Muhiimka ah 23:30

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

CLI iyo terminal ma isku mid baa?
Terminal waa daaqadda amarrada lagu qoro. CLI waa barnaamijka amarradaas aqbala. Hal terminal ayaad CLI-yo badan kaga wadi kartaa.
CLI-ga ma waajib baa in la barto?
Bilowga ma aha, laakiin waad ka maarmi weyday: git, npm, deployment-ka iyo tools-ka AI-ga oo dhan halkaas ayay ku shaqeeyaan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska