Waa Maxay Git?
Git waa nidaam version control ah oo taariikhda code-kaaga xafida: isbeddel walba, cidda samaysay, waqtiga la sameeyay, iyo sida dib loogu noqon karo.
Sidoo kale loo yaqaan
Git, git, Git Bash, version control
Sharaxaad
Bedelkii aad samayn lahayd project-final, project-final2 iyo project-final3, Git wuxuu kuu hayaa hal folder iyo taariikh dhammaystiran. Isbeddel kasta commit ayaa la yiraahdaa, waxaana la siiyaa magac gaaban oo sharraxaya waxa la beddelay. Haddii wax jabaan, commit-kii hore ayaad ku noqotaa.
Git waa barnaamij computer-kaaga ku shaqeeya, sidaas darteed marka hore waa inaad ku shubtaa. Windows-ka waxaa la siiyaa Git Bash oo terminal ah; Mac iyo Linux-ka terminal-ka caadiga ah ayaa ku filan. GitHub isagu waa adeeg internet-ka ah oo code-kaaga kaydiya oo dadka kale kula wadaaga. Git waa qalabka, GitHub-na waa meesha.
Branch waa fikradda ugu muhiimsan ee shaqada wadajirka ah. Marka aad shaqo cusub bilaabayso, branch ayaad ka samaysataa main, si aadan u jabin waxa hadda shaqaynaya. Marka ay diyaar noqoto oo la eego, ayaa dib loo isku daraa.
Tusaale
git init
git add .
git commit -m "casharkii koowaad"
Saddex amar: project-ka Git ku bilow, isbeddelka diyaari, kadibna taariikhda ku qor. Kadib waxaad GitHub u dirtaa adigoo git push isticmaalaya.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Git, GitHub iyo saaridda website-ka ugu horreeya: HTML, CSS, Tailwind & GitHub: Ship Your First Website.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Ku Shubidda Project-ka GitHub iyo Vercel 10:50:11
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Git iyo GitHub ma isku mid baa?
- Maya. Git waa nidaamka computer-kaaga ku shaqeeya. GitHub waa website-ka code-ka lagu kaydiyo laguna wadaago. Waxaa kale oo jira GitLab iyo kuwo la mid ah.
- Commit-ka magac sidee u bixiyaa?
- Mid gaaban oo sharraxaya waxa la beddelay: "bogga login-ka dhis" ama "cilad form-ka hagaaji". Magacyada aan micne lahayn sida "update" ayaa hadhow ku dhibaya.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay GitHub?
GitHub waa adeeg internet ah oo code-ka lagu kaydiyo, taariikhdiisana lagu ilaaliyo. Wuxuu ku dhisan yahay Git, oo ah version control: qoraal kasta oo aad beddesho waa la duubaa, dibna waad ugu laaban kartaa.
Waa Maxay repository?
Repository, oo la soo gaabiyo repo, waa folder-ka project-kaaga oo Git taariikhdiisa u hayo: file-asha, commits-ka iyo branches-ka oo dhan.
Waa Maxay terminal?
Terminal waa barnaamij computer-ka amarro qoran lagu siiyo, halkii mouse lagu isticmaali lahaa. Waxaa sidoo kale la yiraahdaa command line ama CLI (Command Line Interface).
Waa Maxay deployment?
Deployment waa marka barnaamijkaaga aad ka saarto computer-kaaga oo aad internet-ka saarto, si qof kastaa u isticmaali karo. Waa talaabada u dambaysa ee project-ka ka dhigaysa mid nool.
Waa Maxay open source?
Open source waa software-ka code-kiisa dadweynaha loo furay, si qof kastaa u akhriyo, u isticmaalo, uuna wax uga beddelo shuruudo la caddeeyay. Lidkiisa waa closed source, oo code-ka gudaha shirkadda ku hadho.