artificial-intelligence

Waa Maxay Claude Code?

Claude Code waa coding agent Anthropic sameysay oo terminal-kaaga ka shaqeeya. Project-ka wuu akhriyaa, files wuu beddelaa, commands wuu fuliyaa, waana ku sii socdaa ilaa shaqada aad u dirtay ay dhammaato.

Sidoo kale loo yaqaan
Claude Code-ka, Claude code, Claude Code CLI

Sharaxaad

Farqiga u dhexeeya Claude Code iyo chat caadi ah waa gacmaha. Chat-ka jawaab ayuu ku siiyaa oo adigu code-ka ku raraysaa; Claude Code project-kaaga dhexdiisa ayuu joogaa, wuxuu arkaa files-ka, wuu qori karaa, wuuna run-gareyn karaa tests-ka. Sidaas darteed hadaf ayaad siisaa, tusaale "bug-gan i sax" ama "feature-kan ku dar", wuuna baaraa halka cilladdu ka timid ka hor inta uusan wax beddelin.

Tool-ada kale ee isla qaybtaas ka jira waxaa ka mid ah Cursor, oo ah editor kaamil ah, iyo Codex oo OpenAI leedahay. Mid walba meel ayuu ku fiican yahay, hal shaqona si kala duwan ayay u qabtaan; sidaas darteed isbarbardhig ayaa la sameeyaa oo tan kuu shaqaysa ayaad qaadataa. Awoodda Claude Code waxaa kordhiya waxyaabaha aad ku darto: skills, sub-agents, MCP servers iyo file CLAUDE.md ah oo xeerarka project-ka ku qoran yihiin.

Tusaale

claude > tests-ka orod, kuwa fashilma i tus, kadibna cilladda sax

Hal jumlad Af-Soomaali ah ayaad ku qortay. Agent-ku tests-ka wuu fuliyaa, natiijada wuu akhriyaa, file-ka khaldan wuu helaa, saxna wuu sameeyaa, kadibna markale wuu tijaabiyaa. Adigu ogolaansho ayaad siisaa, natiijadana waad hubisaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Koorsada Agentic Coding with Claude Code waxaad ku baranaysaa sida agent loo adeegsado marka la dhisayo lana shubayo app real ah. Aasaaska AI-ga iyo agents-ka: AI Engineering Masterclass.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca isbarbardhigga Claude Code, Cursor iyo Codex 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Claude Code ma noqon karaa beddelka developer-ka?
Maya. Wuxuu kordhiyaa xawaaraha, laakiin qofka ayaa qorshaha dhiga, code-ka akhriya oo go'aanka gaara. Qof aan code fahmin ma hubin karo waxa agent-ku soo saaray.
Cursor mise Claude Code?
Cursor waa editor, Claude Code waa agent terminal-ka jooga. Dad badan labadaba ayay isticmaalaan: editor-ka wax yar ayaa lagu saxaa, agent-kana shaqooyinka waaweyn ayaa loo diraa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska