artificial-intelligence

Waa Maxay Anthropic?

Anthropic waa shirkadda AI-ga ee samaysa Claude, Claude Code iyo API-ga models-kooda. Waxay xoogga saartaa amniga AI-ga iyo models-ka coding-ka ku fiican.

Sidoo kale loo yaqaan
Anthropic-ga, shirkadda Claude, Anthropic API

Sharaxaad

Anthropic waxay ka mid tahay saddexda shirkadood ee models-ka ugu waaweyn soo saara, oo ay la yihiin OpenAI iyo Google. Waxay soo saartaa taxane models ah: Opus oo shaqooyinka adag loo isticmaalo, Sonnet oo dheelitiran, iyo Haiku oo fudud oo degdeg ah. Claude Code, oo ah tool agentic-ka ah oo terminal-ka ka shaqeeya, iyaguna ayaa leh. Developers-ku models-kooda waxay ku galaan API, waxaana lagu xisaabiyaa tokens: kuwa aad gelinayso iyo kuwa uu soo saarayo.

Claude waxaa lagu yaqaannaa inuu khatar ku yahay code-ka, sababtuna waa fine-tuning: si gaar ah ayay code ugu tababareen. Taasi waa waxa developers-ka badankood soo jiitay. Anthropic waxay sidoo kale hormuud ka tahay MCP, oo ah standard-ka tools-ka iyo xogta model-ka lagu xiro. Suuqu waa tartan kulul: markii OpenAI model cusub soo saartay, cadaadis ayaa Anthropic la galiyay, limits-ka iyo qorshayaashana dib ayay u eegeen. Marka aad app AI ah dhisayso, Anthropic waa mid ka mid ah dhowr provider oo aad dooran karto, ma aha mid keliya.

Tusaale

const res = await anthropic.messages.create({ model: "claude-sonnet-4-5", max_tokens: 1024, messages: [{ role: "user", content: "Function JavaScript ah ii qor" }], });

Hal sadar ayaa magaca model-ka ku qoran. Markaad rabto model ka caqli badan ama mid ka jaban, sadarkaas ayaad beddelaysaa, app-kaaguna sidiisuu u shaqeeyaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Sida models-ka API loogu isticmaalo, loona isbarbardhigo: AI Engineering Masterclass. Claude Code aasaaskiisa: Baro Claude Code Af-Soomaali. Isbarbardhig: Claude Code, Cursor iyo Codex: Yaa Fiican?

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

OpenAI Sol iyo Cadaadiska Limits-ka Anthropic 2:26

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Anthropic iyo Claude ma isku mid baa?
Maya. Anthropic waa shirkadda, Claude waa model-ka iyo app-ka ay soo saartay. Sida Google iyo Gemini oo kale.
Models-ka Anthropic Af-Soomaali ma fahmaan?
Haa, way fahmaan oo way ku jawaabi karaan. Ereyada farsamada, sida API iyo function, English ku hay si macnuhu uusan u qaldamin.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Anthropic? Shirkadda Claude Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye