artificial-intelligence

Waa Maxay MCP?

MCP (Model Context Protocol) waa heshiis caalami ah (protocol) oo agent-ka AI-ga ku xira tools iyo xog dibadda ah: database, GitHub, browser, Notion, Stripe. Waa sida USB-ga AI-ga: hal qaab, tools badan.

Sidoo kale loo yaqaan
MCP, Model Context Protocol, MCP server

Sharaxaad

Model-ku keligiis qoraal ayuu soo saaraa. Si uu wax real ah u qabto, tools ayuu u baahan yahay: database ka akhri, email dir, browser fur. Intaan MCP jirin, tool kasta shirkad kasta si gooni ah ayay ugu xiri jirtay. Anthropic waxay soo saartay MCP si tool kasta hal mar loo qoro, agent kastana isticmaalo.

MCP server waa barnaamij yar oo tool ka dhigaya wax agent-ku wici karo: "search-gareey documents-ka", "issue GitHub ku samee", "query database-ka". Claude Code, Cursor iyo tools-ka kale MCP servers ayaad ku xiraysaa, kadib agent-ku goortuu u baahdo ayuu isticmaalaa. Skill wuxuu agent-ka u sheegaa SIDA wax loo sameeyo; MCP wuxuu siiyaa AWOODDA wax loo sameeyo.

Tusaale

Claude Code waxaad ku xirtaa MCP-ga Playwright (browser). Kadib waxaad ku leedahay: "website-ka fur, form-ka buuxi, screenshot qaad". Isagaa browser-ka furaya, form-ka buuxinaya, sawirka kuu soo qaadaya. MCP la'aan, Claude Code browser ma arki karo.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

MCP servers-ka sida loo xiro loona isticmaalo: Baro Claude Code Af-Soomaali (bilaash) iyo Agentic Coding with Claude Code. Agents-ka tools ku dhisidda: AI Engineering Masterclass.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca MCP (Model Context Protocol) 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

MCP iyo API maxay ku kala duwan yihiin?
API waa sida barnaamijyadu isula hadlaan. MCP waa API loogu talagalay AI agents: tool-ku wuxuu model-ka u sheegaa waxa uu qabto iyo sida loo isticmaalo, si model-ku keligiis u doorto.
MCP server keligay ma samaysan karaa?
Haa, Node.js ama Python ayaad ku qori kartaa, API-gaaga ama database-kaagana tools ayaad ka dhigi kartaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska