Waa Maxay OpenAI?
OpenAI waa shirkadda AI-ga ee samaysay ChatGPT iyo models-ka GPT. Waxay sidoo kale bixisaa API, oo developers-ku awoodda AI-ga kaga dhex dhisaan applications-kooda.
Sidoo kale loo yaqaan
OpenAI-ga, OpenAI API, GPT
Sharaxaad
Dadka badankood OpenAI waxay ku yaqaanniin ChatGPT, laakiin dhinaca developers-ka waxay ku taallaa API-ga. Isla awoodda aad chat-ka kaga hadasho ayaad app-kaaga ku dhex isticmaali kartaa: qoraal soo saar, sawir fahan, code qor, xog kala saar. Models-kooda waxaa ka mid ah taxanaha GPT, models-ka sawirka iyo codka, iyo embeddings, oo ah aasaaska RAG-ga. Habka wicitaanku waa fudud: prompt ayaad dirtaa, jawaab ayuu soo celiyaa.
Sida shirkadaha kale, OpenAI wuxuu ku shaqeeyaa tokens: waxa aad gelinayso iyo waxa uu soo saarayo labadaba waa la tiriyaa. API key ayaad samaysanaysaa, .env ayaadna ku qarinaysaa; marnaba frontend-ka ha ku dhex qorin. Suuqu waa isbeddel joogto ah: OpenAI, Anthropic iyo Google mid walba mar ayuu hormuud noqdaa, marna dib ayuu u dhacaa. Sidaas darteed app fiican wuxuu u qaabaysan yahay in model-ka si fudud loo beddelo, halkii hal shirkad lagu tiirsanaan lahaa.
Tusaale
const completion = await openai.chat.completions.create({
model: "gpt-4o-mini",
messages: [{ role: "user", content: prompt }],
});
Koorsada SaaS-ka, wireframe-ka user-ku xariiqo ayaan OpenAI u dirnaa, wuxuuna noo soo celiyaa HTML, Tailwind CSS iyo JavaScript diyaar ah. Prompt gudaha, code dibadda.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Sida OpenAI API loogu dhiso chat app, RAG iyo agents: AI Engineering Masterclass. Aasaaska: Waa Maxay AI? iyo Waa Maxay LLMs?
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca Koorsada Next.js + OpenAI + Stripe + AWS 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- OpenAI iyo ChatGPT ma isku mid baa?
- ChatGPT waa app-ka dadku isticmaalaan; OpenAI waa shirkadda samaysay. Models-ka GPT-na waa maskaxda ChatGPT ka dambaysa.
- API-ga OpenAI ma bilaash baa?
- Maya, tokens ayaa lagu xisaabiyaa. Waxaa jira sidoo kale providers isla habkaas leh, sida OpenRouter, oo models badan hal meel kaaga siiya.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay ChatGPT?
ChatGPT waa chatbot AI ah oo shirkadda OpenAI samaysay, kuna dhisan models-ka GPT. Waa AI-ga ugu caansan adduunka, wuxuuna 2022 dadka caadiga ah u furay AI-ga.
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay token?
Token waa qayb yar oo qoraal ah, eray ama qayb eray, oo model-ku qoraalka u kala jaro si uu u fahmo oo u soo saaro. Tokens-ka ayaa lagu xisaabiyaa context-ka iyo lacagta.
Waa Maxay Anthropic?
Anthropic waa shirkadda AI-ga ee samaysa Claude, Claude Code iyo API-ga models-kooda. Waxay xoogga saartaa amniga AI-ga iyo models-ka coding-ka ku fiican.