Waa Maxay sub-agent?
Sub-agent waa agent AI ah oo agent kale (orchestrator-ka) shaqo gooni ah u diro, kaas oo context gaar ah leh, natiijadana soo celiya. Sidaas ayaa shaqo weyn loogu kala jebiyaa qaybo, oo si parallel ah loo qabtaa.
Sidoo kale loo yaqaan
sub-agents, subagent, orchestrator
Sharaxaad
Hal agent 73 task haddaad u dhiibto oo aad tidhaahdo "hal mar gal", context-kiisa ayaa buuxsamaya, files ayaa lumaya, wuu wareeraa. Xalku waa orchestrator: agent dhexda taagan oo shaqo aan qabanayn, laakiin tasks-ka kala jebiya, sub-agent kasta shaqo u dira, natiijada hubiya (verify), tracker-kana cusboonaysiiya. Waa manager iyo verifier.
Sub-agent kastaa context gaar ah ayuu leeyahay: waxa uu akhriyo iyo qoro context-ka orchestrator-ka kuma buuxiyaan. Shaqooyinka is-garab socon kara si parallel ah ayaa loo fuliyaa: shan agent oo hal mar shaqaynaya, mid walba qayb. Shaqooyinka is-xiran (blocked), tusaale scaffolding-ka intaan la dhammayn qaybta labaad lama bilaabi karo, waa la sugaa. Sidaas ayaad ku ogaataa maxaa la dhisay, maxaa dhiman, iyo code-ka tayadiisa, taas oo vibe coding-ka aanad ku ogaan karin.
Tusaale
Isbarbardhigga Claude Code, Cursor iyo Codex: agent walba waxaan ku iri "orchestrator samee, tasks-ka sub-agents u dhiib, wixii is-garab socon kara parallel u samee". Cursor 20 sub-agents ayuu kiciyay, Claude Code shan agent oo is-garab socda wave kasta. Hal saac gudihiis application shaqaynaya.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Sub-agents, orchestrator, tracker.md iyo habka buuxa: Agentic Coding with Claude Code. Isbarbardhigga oo dhan: Claude Code, Cursor iyo Codex: Yaa Fiican?
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Sameynta iyo Adeegsiga Sub-Agents 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Sub-agent iyo skill?
- Skill waa aqoon (sida wax loo sameeyo). Sub-agent waa shaqaale (cid wax samaynaysa). Sub-agent-ku skills wuu isticmaali karaa.
- Sub-agents ma qaali baa?
- Tokens badan ayay isticmaalaan, sababtoo ah agent kastaa context gaar ah ayuu akhriyaa. Laakiin shaqada ayay dhammaystiraan oo tayo ayay keenaan; hal agent oo wareersan ayaa ka qaalisan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay context?
Context waa wax walba oo model-ku "arkayo" markuu jawaab soo saarayo: prompt-kaaga, sheekadii hore, files-ka aad siisay iyo tilmaamaha system-ka. Xadka uu qaadi karo waxaa la yiraahdaa context window.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.
Waa Maxay skill?
Skill waa xirmo tilmaamo ah (iyo mararka qaar files iyo scripts) oo agent-ka AI-ga baraya sida shaqo gaar ah loo qabto, oo marka loo baahdo si automatic ah loo isticmaalo. Claude Code skills-ka waa qaabka ugu fudud ee agent-ka aqoon cusub loo siiyo.