Waa Maxay skill?
Skill waa xirmo tilmaamo ah (iyo mararka qaar files iyo scripts) oo agent-ka AI-ga baraya sida shaqo gaar ah loo qabto, oo marka loo baahdo si automatic ah loo isticmaalo. Claude Code skills-ka waa qaabka ugu fudud ee agent-ka aqoon cusub loo siiyo.
Sidoo kale loo yaqaan
skills-ka, skill-ka, Claude Code skills, agent skills
Sharaxaad
Agent-ka ilaa xad wax walba wuu yaqaannaa, laakiin qaabka shirkaddaadu wax u samayso ma yaqaanno: design system-kaaga, qaabka aad tests u qorto, sida deploy loo sameeyo. Skill waa folder file SKILL.md leh oo taas ku qoran. Markaad agent-ka shaqo u dirto oo la xiriirta, skill-ka ayuu akhriyaa oo raacaa, adigoo aan mar walba u sheegin.
Tusaale caan ah waa frontend design skill: AI-ga haddaadan design skill siin, wuu iska alifaa design. Skill-ka markaad siiso, design nadiif ah oo la isku hallayn karo ayuu soo saaraa. Skills-ka waa la wadaagi karaa: GitHub ayaad ka soo degsan kartaa, qolo kale u samaysay, kaagana waad samaysan kartaa. Skills, sub-agents iyo MCP saddexdaas ayaa agent-ka ka dhiga mid shaqo real ah qaban kara.
Tusaale
Project walba oo aan bilaabo, frontend design skill ayaan ku daraa. Markaan Claude Code ku leeyahay "resume builder ii dhis", skill-ka ayuu akhriyaa, design-kana qaabkaas ayuu ku samaynayaa, ma aha wax uu iska alifay. Isbarbardhigga Claude Code, Cursor iyo Codex, saddexdaba isla skill-kaas ayaan siiyay.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Skills, sub-agents, hooks iyo MCP oo dhan: Baro Claude Code Af-Soomaali (bilaash) iyo Agentic Coding with Claude Code.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Baro Claude Code: Barashada Skills-ka 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Skill iyo prompt maxay ku kala duwan yihiin?
- Prompt hal mar ayaad qortaa oo waa baxaa. Skill waa la keydiyaa, oo mar kasta oo loo baahdo ayaa si automatic ah loo isticmaalaa.
- Skill iyo MCP?
- Skill waa aqoon iyo tilmaamo. MCP waa xiriir tools iyo xog dibadda ah, sida database ama GitHub. Skill-ku wuxuu u sheegaa SIDA, MCP-gu wuxuu siiyaa AWOODDA.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay sub-agent?
Sub-agent waa agent AI ah oo agent kale (orchestrator-ka) shaqo gooni ah u diro, kaas oo context gaar ah leh, natiijadana soo celiya. Sidaas ayaa shaqo weyn loogu kala jebiyaa qaybo, oo si parallel ah loo qabtaa.
Waa Maxay MCP?
MCP (Model Context Protocol) waa heshiis caalami ah (protocol) oo agent-ka AI-ga ku xira tools iyo xog dibadda ah: database, GitHub, browser, Notion, Stripe. Waa sida USB-ga AI-ga: hal qaab, tools badan.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.