Waa Maxay agentic?
Agentic waa sifo, ma aha tool gaar ah. Waxaa lagu tilmaamaa system AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna isagu qorshe sameeya, tallaabooyin isku xigxiga qaada, tools isticmaala, natiijadana dib u hubiya, adigoo aan tallaabo kasta u sheegin.
Sidoo kale loo yaqaan
agentic, agentic AI, agentic workflow
Sharaxaad
Chatbot caadi ah hal wareeg ayuu leeyahay: su'aal, jawaab, waana intaas. System agentic ah wareeg ayuu ku shaqeeyaa: fikir, tallaabo qaad, natiijada eeg, kadibna ku celi ilaa hawshu dhammaato. Halka farqigu ka bilaabmo waa tools-ka. AI-gu wuxuu noqdaa agent markaad siiso tools: internet-ka wax ka raadi, file akhri, database weydii, email dir. Tools la'aan, model-ku wuxuu hayaa aqoon keliya; tools-ka ayaa gacmo u noqonaya.
Ereygan meelo badan ayaad ka arki doontaa. Agentic workflow waa hawl tallaabooyin badan leh oo agent-ku isku xiro: xogta soo qaad, kala saar, warbixin diyaari, kadibna email ku dir. Agentic coding waa isla fikirka oo software-ka lagu dhisayo: qofku wuxuu qoraa qiyaastii toban boqolkiiba code-ka, laakiin shaqada ugu badan waxay noqotay akhrinta code-ka, fahamka packages-ka la isticmaalay, iyo go'aannada qaab-dhismeedka. Taasi waa halka qiimaha engineer-ku hadda ku jiro.
Tusaale
Waxaad agent-ka ku tidhaahdaa: "ciladdan saxo, kadibna tijaabi." Isagu wuxuu raadiyaa file-ka, code-ka wuu akhriyaa, isbeddel wuu sameeyaa, test-ka wuu fuliyaa, hadduu jabo dib ayuu u tijaabiyaa. Adigu qorshaha ayaad ansixinaysaa oo natiijada ayaad hubinaysaa. Taasi waa qaab agentic ah. Chatbot-ku code buu kuu soo celin lahaa, halkaasna wuu ku ekaan lahaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Agents oo aad naftaada u dhisto, tools iyo wareegga: AI Engineering Masterclass. Habka shaqada: Agentic Coding with Claude Code. Hordhac bilaash ah: Waa Maxay AI Agent? iyo Vibe Coding iyo Agentic Coding.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Vibe Coding iyo Agentic Coding 4:30
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Agentic iyo agent farqigoodu waa maxay?
- Agent waa shay: barnaamijka qabanaya hawsha. Agentic waa sifada lagu tilmaamo qaabka shaqada. "App agentic ah" macnaheedu waa app agent gudihiisa ku shaqeeya.
- Agentic system ma isku halayn karaa?
- Ilaa xad. Wuu qaldamaa, marmarna wuu iska hindisaa. Sidaas darteed hawlaha waaweyn, gaar ahaan kuwa lacagta iyo xogta taabanaya, hubi natiijada oo ogolaansho ku xir.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay agent?
Agent waa software AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna keligiis tallaabooyinka qaada ilaa shaqadu ka dhammaato. Model-ku waa maskaxda, tools-kuna waa gacmaha uu wax ku qabto.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.
Waa Maxay vibe coding?
Vibe coding waa qaab AI-ga lagu yiraahdo "application-kan ii dhis", kadibna wixii uu soo saaro la aqbalo, code-ka la akhriyin, lana fahmin. Natiijada ayaa la fiiriyaa, ma aha habka.
Waa Maxay MCP?
MCP (Model Context Protocol) waa heshiis caalami ah (protocol) oo agent-ka AI-ga ku xira tools iyo xog dibadda ah: database, GitHub, browser, Notion, Stripe. Waa sida USB-ga AI-ga: hal qaab, tools badan.