Waa Maxay prompt?
Prompt waa qoraalka aad AI-ga u dirto: su'aasha, amarka ama sharaxaadda shaqada aad rabto inuu qabto. Prompt-ka aad siiso ayaa go'aaminaya jawaabta aad helayso.
Sidoo kale loo yaqaan
prompt-ka, prompting, prompt engineering
Sharaxaad
Qaacido caan ah ayaa jirta: garbage in, garbage out. Haddii prompt-kaagu xun yahay, jawaabtuna waa xun tahay. Prompt vague ah, sida "marketing wax iiga qor", wuxuu ku siinayaa jawaab guud oo aan kuu shaqaynayn. Prompt cad wuxuu model-ka u sheegaa yuu yahay, maxaa la rabaa, cidda loogu talagalay, iyo qaabka jawaabtu u soo baxdo.
Laba nooc ayaa jira. User prompt waa waxa aad mar walba qorto. System prompt waa tilmaan hoose oo application-ku model-ka siiyo intaanu user-ku hadlin: "waxaad tahay macallin Af-Soomaali ku hadla, jawaabaha gaabi". Application walba oo AI ah system prompt ayuu leeyahay, waana meesha developer-ku dabeecadda AI-ga ku qeexo.
Tusaale
Halkii aad odhan lahayd "post ii qor", waxaad qoraysaa: "Waxaad tahay marketing strategist. Ii qor shan hook oo video-ga Instagram loogu talagalay waalidiinta mashquulka ah. Bullet points ahaan ii soo saar, hook walba 12 eray ha ka badnaan, emojis ha isticmaalin." Role, task, context, format iyo xeerar: shantaas ayaa prompt fiican ka dhiga.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
System prompting iyo prompt engineering si qoto dheer ayaad ku baranaysaa AI Engineering Masterclass. Prompt-ka coding-ka, sida spec loo qoro, Agentic Coding with Claude Code.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Isku-xirka GPT-4 Vision API iyo System Prompting 4:17:01
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Prompt engineering weli ma muhiim baa?
- Models-ku way fiicnaanayaan oo English caadi ah way fahmaan, laakiin prompt cad iyo prompt vague ah farqigoodu weli waa weyn yahay, gaar ahaan shaqooyinka adag.
- Prompt-ka Af-Soomaali ma ku qori karaa?
- Haa, models-ka waaweyn Af-Soomaali way fahmaan. Ereyada farsamada, sida API iyo function, English ku hay si uusan u qaldamin.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay context?
Context waa wax walba oo model-ku "arkayo" markuu jawaab soo saarayo: prompt-kaaga, sheekadii hore, files-ka aad siisay iyo tilmaamaha system-ka. Xadka uu qaadi karo waxaa la yiraahdaa context window.
Waa Maxay token?
Token waa qayb yar oo qoraal ah, eray ama qayb eray, oo model-ku qoraalka u kala jaro si uu u fahmo oo u soo saaro. Tokens-ka ayaa lagu xisaabiyaa context-ka iyo lacagta.
Waa Maxay chatbot?
Chatbot waa barnaamij sheeko ahaan kula hadla: su'aal ayaad weydiisaa, jawaab ayuu kuu soo celiyaa. ChatGPT waa chatbot; support-ka website-ka oo su'aalaha ka jawaaba waa chatbot.