software-engineering

Waa Maxay testing?

Testing waa in la hubiyo in code-kaagu waxa laga rabo sameeyo, intaanu user-ku gacanta ku dhigin. Marmarka qaar gacanta ayaad ku tijaabisaa, laakiin habka ugu wanaagsan waa test qoran oo mar kasta iskiis u shaqeeya.

Sidoo kale loo yaqaan
testing, testing-ka, test, tests-ka

Sharaxaad

Software-ka caadiga ah waa la saadaalin karaa: input isku mid ah, output isku mid ah. Sidaas darteed test-ku wuxuu isweydiiyaa hal su'aal: "form-kan markii login lagu dhufto, ma dhacday waxa la filayay?" Unit test wuxuu hal function tijaabiyaa. Integration test wuxuu hubiyaa in laba qaybood si sax ah isugu hadlaan, sida API-ga iyo database-ka. End-to-end test wuxuu maraa jidka user-ka oo dhan: fur bogga, buuxi foomka, guji, kadibna hubi natiijada. Cilad markay soo baxdo, test ayaa hore loo qoraa si aanay mar labaad u soo laaban.

AI-ga wax buu ka beddelay. Model-ka jawaabtiisa hal mar lama saadaalin karo: isku su'aal, laba jawaab oo kala duwan. Halkaas testing-ku wuxuu noqdaa validation iyo evaluation: liis su'aalo adag ayaad diyaarisaa, kadibna waxaad qiimaynaysaa jawaabaha saxnimadooda iyo xaaladaha ay ku fashilmaan. Dhinaca agentic coding-ga, agent-ku isagu ayaa app-ka furi kara oo browser-ka ku tijaabin kara, socodkiisana gif ahaan u duubi kara. Taasi qofka ma beddelayso: qofka ayaa go'aaminaya waxa la hubinayo.

Tusaale

test("isuGee waa inuu laba tiro isu geeyaa", () => { expect(isuGee(2, 2)).toBe(4); });

Saddex sadar: magaca test-ka, waxa la wacayo, iyo natiijada la filayo. Marka aad code-ka wax ka beddesho, test-kani wuu ku sheegayaa haddii aad wax jabisay.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Agent-ka oo browser-ka ku tijaabiya app-kaaga: Baro Claude Code Af-Soomaali. Habka aasaasiga ah: Sida saxda ah ee loo barto programming-ka iyo Vibe Coding iyo Agentic Coding.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Testing iyo Model Validation 4:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Test qorista ma waqti lumis baa?
Maalinta hore waqti ayay qaadataa, laakiin bil kadib waxay kaa badbaadinaysaa saacado cilad-raadin ah. Project yar oo aad keligaa hayso, gacanta ku tijaabi. Project dad isticmaalayaan, test qor.
Halkee ayaan ka bilaabaa?
Qaybaha ugu khatarsan: login-ka, lacag-bixinta iyo xisaabinta. Kadib mid kasta oo cilad hore ku soo baxday, test ku dar si aanay mar labaad u dhicin.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska