programming-languages

Waa Maxay function?

Function waa qayb code ah oo shaqo gaar ah qabata, magac leh, oo mar kasta oo aad rabto la wici karo. Xog ayaad siin kartaa (parameters), natiijo ayuuna kuu soo celin karaa (return).

Sidoo kale loo yaqaan
function-ka, functions-ka, method

Sharaxaad

Programming-ka, shaqo aad marar badan samaynayso hal mar ayaad qortaa, function ahaan, kadibna waad wacdaa. Taasi waa mabda'a ugu muhiimsan ee code nadiif ah: ha ku celcelin, hal meel ku qor. Function walba wuxuu leeyahay magac, parameters (waxa la siinayo), body (shaqada), iyo return (waxa la soo celinayo).

Fikraddu luqad kasta waa isku mid: JavaScript function ama arrow function, Python def. Loop haddaad JavaScript ku fahantay, Python-na waad ku samayn kartaa; sidaas oo kale function. Luqadaha oo dhan logic-koodu waa isku mid, syntax-ka oo keliya ayay ku kala duwan yihiin. React-ka, component kastaa waa function; backend-ka, route kastaa function ayuu wacaa.

Tusaale

function xisaabiQiimaha(qiime, tiro) { return qiime * tiro; } xisaabiQiimaha(10, 3); // 30

Halkii aad meel walba qiime * tiro ku qori lahayd, hal function ayaad qortay. Xeerka qiimaha markuu isbeddelo, tusaale discount ku dar, hal meel ayaad ka beddelaysaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

JavaScript functions, arrow functions iyo async: JavaScript Masterclass. Python functions oo bilaash ah: Ku Baro Python Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Python Af-Soomaali full course: functions 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Function iyo method maxay ku kala duwan yihiin?
Method waa function object ama class ku dhex jira, sida `array.push()`. Shaqo ahaan waa isku mid.
Function ma waajib baa?
Code fudud iyaga la'aan waad qori kartaa, laakiin project real ah la'aantood ma maamuli kartid. Casharka ugu horreeya ee programming-ka wuxuu ku dhammaadaa functions.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Function? Programming Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye