programming-languages

Waa Maxay Python?

Python waa luqad programming oo syntax-keedu fudud yahay oo English u dhow, loona isticmaalo AI, data analysis, automation iyo backend. Waa luqadda dadka cusub lagu soo dhoweeyo, iyo luqadda adduunka AI-ga ku dhisan yahay.

Sidoo kale loo yaqaan
Python, Python-ka, Python 3

Sharaxaad

Python waxaa loo sameeyay in la akhriyi karo: braces iyo semicolons ma laha, indentation ayaa code-ka habaysa, hal sadar ayaad wax ku samayn kartaa oo luqadaha kale saddex ku qaadan lahaayeen. Taasi waa sababta jaamacadaha iyo koorsooyinka ugu horreeya Python lagu bilaabo.

Waxa Python ka dhigay kan ugu muhiimsan maanta waa AI. Machine learning (PyTorch, Scikit-learn), data (Pandas, Jupyter), iyo AI engineering (OpenAI API, LangChain, RAG) dhammaan Python ayaa loogu talagalay. Backend-na wuu ku fiican yahay (Django, FastAPI), automation-na waa meeshiisa. Waxa uusan ku fiicnayn waa frontend-ka websites-ka: halkaas JavaScript ayaa iska leh.

Tusaale

def salaan(name): return f"Salaan, {name}!" print(salaan("Xamuud"))

Function, string iyo print: saddex sadar oo la akhriyi karo. Isla fikradahaas JavaScript ku samee, waad arkaysaa in logic-gu isku mid yahay, syntax-ka keliya ayaa kala duwan.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Full course bilaash ah: Ku Baro Python Af-Soomaali. Python-ka AI engineering-ka, RAG iyo agents: AI Engineering Masterclass. Waddada oo dhan: Professional AI Engineer Track.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Ku Baro Python Af-Soomaali Full Course 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Python mise JavaScript, kee ayaan marka hore bartaa?
Websites haddaad rabto JavaScript, AI iyo data haddaad rabto Python. Labaduba waa fudud yihiin, midna khalad ma aha, fikradaha waa isku mid.
Python keligeed shaqo AI ah ma igu siin kartaa?
Python waa aasaas. Waxa shaqada keena waa awoodda aad ku dhisto AI applications real ah: chat apps, RAG systems iyo agents.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Python? Baro Python Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye