artificial-intelligence

Waa Maxay Ollama?

Ollama waa tool bilaash ah oo models-ka AI ee open source, sida DeepSeek, LLaMA iyo Qwen, computer-kaaga ku run-gareeya. Internet, API key iyo lacag toona uma baahna.

Sidoo kale loo yaqaan
Ollama, ollama run, local AI

Sharaxaad

Models-ka waaweyn sida ChatGPT iyo Claude cloud ayay ku shaqeeyaan: xogtaada shirkad ayaad u diraysaa, lacagna waad bixinaysaa. Ollama wuxuu ku siinayaa model computer-kaaga ku dhex jira: xogtaadu meelna uma baxdo, taasina waa game changer xagga privacy-ga, waqti kastana waad isticmaali kartaa. Waxaad ku rakibtaa hal command, kadib ollama run deepseek-r1:8b ayaad terminal-ka ku qortaa, model-ka ayaa soo degaya oo shaqaynaya.

Model-ka aad doorato computer-kaaga ayuu ku xiran yahay. Tirooyinka sida 1.5B, 8B iyo 70B waa parameters-ka: kuwa yar computer caadi ah ayay ku shaqeeyaan, kuwa waaweyn RAM iyo VRAM badan ayay u baahan yihiin. Ka bilow kan yar, arag sida uu kuugu shaqeeyo. Developers-ka Ollama API ayuu leeyahay, marka application-kaaga model local ah ayaad ku xiri kartaa, sida API-ga OpenAI oo kale.

Tusaale

ollama run deepseek-r1:8b

Kadib su'aal kasta ayaad weydiin kartaa: xisaab, code React ah, aqoon guud. Model-ka 8B code decent ah ayuu qoraa, isagoo thinking-ka ku tusaya intaanu qorin. Hal mar oo keliya ayaad internet u baahan tahay markaad soo degsanayso.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Ollama, DeepSeek iyo reasoning models: Waa Maxay DeepSeek?. Models-ka open source application lagu dhisidda: AI Engineering Masterclass.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Soo Dejinta iyo Rakibidda Ollama 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Computer noocee ah ayaan u baahanahay?
Model 1.5B ilaa 8B, laptop caadi ah oo 8 ilaa 16GB RAM ah wuu ku shaqeeyaa. 70B, 64GB RAM ama GPU xoog leh.
Ollama models-ku ma ka fiican yihiin ChatGPT?
Maya, kuwa waaweyn ee cloud-ka ayaa ka awood badan. Laakiin privacy, lacag la'aan iyo offline, Ollama ayaa iska leh.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay Ollama? AI Local ah oo Bilaash Af-Soomaali | Qaamuuska Dugsiiye