Waa Maxay open source?
Open source waa software-ka code-kiisa dadweynaha loo furay, si qof kastaa u akhriyo, u isticmaalo, uuna wax uga beddelo shuruudo la caddeeyay. Lidkiisa waa closed source, oo code-ka gudaha shirkadda ku hadho.
Sidoo kale loo yaqaan
open-source, open source-ka, koodh furan
Sharaxaad
Tools-ka aad maalin kasta isticmaasho intooda badan waa open source: Node.js, React, Linux iyo Python. Faa'iidadu waa saddex. Kow, bilaash ayay ku bilaabmi kartaa oo lacag hore looma baahna. Laba, waad arki kartaa waxa gudaha ka socda, taasna waa waddada ugu wanaagsan ee wax loo barto. Saddex, adigu wax baad ku dari kartaa, kadibna kuwa kale ayaa faa'iidaysanaya.
Dhinaca AI-ga, open source waxay macnaheedu tahay in model-ka la soo dejisan karo oo computer-kaaga lagu run-gareyn karo. Hugging Face ayaa ah meesha models-kaas lagu keydiyo, waana sida GitHub oo kale, laakiin models-ka ayuu u yaalaa. Halkaas waxaad ka heli kartaa models sida LLaMA oo Meta samaysay, DeepSeek, iyo kuwa sawirrada sameeya sida Flux. Tool-ka lagu maamulo computer-ka waa Ollama. Faa'iidada ugu weyn waa in xogtaadu guriga kuu hadho oo API dibadeed aadan u baahnayn; kharashka waa awoodda computer-kaaga.
Tusaale
Model open source ah oo LLaMA ah ayaad soo dejisataa, kadibna computer-kaaga ayaad ku wadaa. Internet lama baahna markaad su'aal weydiinayso, xogtaadana meelna ma tagayso. Haddaad rabto model ka xoog badan, waxaad u gudbi kartaa API cloud ah; laakiin tijaabada iyo barashada local-ka ayaa ku fudud.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Models-ka open source-ka ah, sida loo doorto oo app real ah loogu daro waxaa lagu sharxay barnaamijka Full Stack AI Engineer. Cashar bilaash ah oo tallaabo tallaabo ah: Isticmaal AI Open Source Walba.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca Open Source AI Models 0:09
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Open source ma bilaash baa mar walba?
- Code-ku waa furan yahay oo waad soo dejisan kartaa. Laakiin waxaa jira kharash kale: server, GPU iyo waqtiga aad maamulka ku bixinayso.
- Model open source ah ma la beddeli karaa?
- Haa. Waad fine-tune-gareyn kartaa shaqo gaar ah, waadna ku dhex geli kartaa app-kaaga. Shatiga model kasta akhri ka hor inta aadan ganacsi ku isticmaalin.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay Ollama?
Ollama waa tool bilaash ah oo models-ka AI ee open source, sida DeepSeek, LLaMA iyo Qwen, computer-kaaga ku run-gareeya. Internet, API key iyo lacag toona uma baahna.
Waa Maxay DeepSeek?
DeepSeek waa shirkad Shiineys ah oo soo saartay models AI ah oo open source ah, kuwaas oo computer-kaaga lagu run-gareyn karo. Model-kooda ugu caansan waa R1, kaas oo reasoning sameeya.
Waa Maxay LLM?
LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.
Waa Maxay GitHub?
GitHub waa adeeg internet ah oo code-ka lagu kaydiyo, taariikhdiisana lagu ilaaliyo. Wuxuu ku dhisan yahay Git, oo ah version control: qoraal kasta oo aad beddesho waa la duubaa, dibna waad ugu laaban kartaa.