Waa Maxay debugging?
Debugging waa raadinta iyo hagaajinta ciladaha code-ka: meesha ciladdu ka jirto ayaad ogaanaysaa, sababta ayaad fahmaysaa, kadibna waad saxaysaa.
Sidoo kale loo yaqaan
debugging, debugging-ka, debug, debugger
Sharaxaad
Luqadaha interpreter-ka isticmaala, sida JavaScript iyo Python, code-ka sadar sadar ayaa loo fuliyaa. Sadarka koowaad waa la fuliyaa, kan labaadna waa la fuliyaa, ilaa la gaaro sadarka ciladda leh. Markaas ayuu kuu sheegayaa halka ciladdu ka jirto, taasna debugging-ka way fududaysaa. Luqadaha compiler-ka isticmaala, sida C++, file-ka oo dhan ayaa marka hore la eegaa, hal cilad haddii la helona waxba lama fulinayo.
Qalabka aasaasiga ah waa saddex. Kow, console.log ama print: qiimaha variable-ka ayaad daabacdaa si aad u aragto halka wax ka lumeen. Laba, debugger-ka editor-ka: breakpoint ayaad dhigtaa, barnaamijkana waad joojisaa oo sadar sadar u socodsiisaa. Saddex, fariinta ciladda: akhri, ha ka boodin. Inta badan waxay kuu sheegaysaa file-ka iyo sadarka.
Habka ugu wanaagsan waa isku soo yaraynta. Cilad meel kasta ha ka raadin: hal qayb dami oo tijaabi, kadib mid kale, ilaa aad meesha go'an gaarto. Marka aad hesho, isweydii sababta ay u dhacday si aanay dib u soo noqon.
Tusaale
console.log("user:", user);
Sadarkan wuxuu kuu sheegayaa in user-ku jiro iyo in kale intaadan isticmaalin. Cilad la yiraahdo "cannot read properties of undefined" inta badan waxay ka timaaddaa in shay aad filaysay uusan jirin.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Ciladaha JavaScript, async iyo DOM-ka: JavaScript Masterclass. Interpreter iyo compiler oo si faahfaahsan loo sharxay: Ku Baro Python Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Interpreter vs Compiler 10:04
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Debugging-ku waqti badan ma qaataa?
- Bilowga, haa. Waa xirfad kordha: markaad khaladaadka soo laalaabta barato, isla markiiba ayaad garan doontaa halka la eego.
- AI-ga ma ii xallin karaa ciladda?
- Wuu ku caawin karaa, laakiin waa inaad siisaa fariinta ciladda iyo code-ka la xiriira. Adigoo aan fahmin waxa dhacay, xalka lagu siiyo wuxuu noqonayaa mid ku meel gaar ah.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay programming?
Programming waa in computer-ka la siiyo tallaabooyin cad oo uu raaco si dhibaato loo xalliyo. Waxaad ku qortaa luqad sida JavaScript ama Python, computer-kuna wuxuu fuliyaa sidaad u qortay.
Waa Maxay syntax?
Syntax waa xeerarka qorista ee luqad kasta oo programming ah: sida amarrada loo qoro, calaamadaha la isticmaalo iyo halka sadarku ku dhammaado. Haddaad hal calaamad ka seegto, code-ku ma fulinayo.
Waa Maxay testing?
Testing waa in la hubiyo in code-kaagu waxa laga rabo sameeyo, intaanu user-ku gacanta ku dhigin. Marmarka qaar gacanta ayaad ku tijaabisaa, laakiin habka ugu wanaagsan waa test qoran oo mar kasta iskiis u shaqeeya.
Waa Maxay terminal?
Terminal waa barnaamij computer-ka amarro qoran lagu siiyo, halkii mouse lagu isticmaali lahaa. Waxaa sidoo kale la yiraahdaa command line ama CLI (Command Line Interface).
Waa Maxay Python?
Python waa luqad programming oo syntax-keedu fudud yahay oo English u dhow, loona isticmaalo AI, data analysis, automation iyo backend. Waa luqadda dadka cusub lagu soo dhoweeyo, iyo luqadda adduunka AI-ga ku dhisan yahay.