Waa Maxay syntax?
Syntax waa xeerarka qorista ee luqad kasta oo programming ah: sida amarrada loo qoro, calaamadaha la isticmaalo iyo halka sadarku ku dhammaado. Haddaad hal calaamad ka seegto, code-ku ma fulinayo.
Sidoo kale loo yaqaan
syntax, syntax-ka, syntax-kiisa, syntax error
Sharaxaad
Luqad kastaa syntax-keeda ayay leedahay. PHP-da code-ka waxaad ku bilowdaa calaamadda furitaanka, sadar walbana semicolon ayuu ku dhammaadaa. JavaScript-ka semicolon-ku waa ikhtiyaari. Python-na semicolon ma leh: bannaanka bidix ee sadarka (indentation) ayaa qaab-dhismeedka u ah, haddaad ka seegtana wuu ku diidayaa.
Micnuhu ma aha inaad luqad walba xafiddo. Fikradaha ayaa isku mid ah: variable, condition, loop, function iyo object. Waxa isbeddelaya waa sida loo qoro. Sidaas darteed qofka luqad hore u fahmay, mid cusub maalmo ayuu ku qaataa, ma aha bilo.
Editor-ka ayaa kula shaqaynaya: midabbada, autocomplete-ka iyo xariiqa guduudan ee sadarka khaldan tilmaama. Marka cilad soo baxdo, luqaddu waxay kuu sheegaysaa nooca ciladda iyo sadarka. Bilowga, khaladaadka syntax-ka ayaa ugu badan, waana kuwa ugu fudud ee la xalliyo.
Tusaale
<?php
echo "Hello world";
?>
Semicolon-ka haddaad ka tagto, PHP wuxuu kuu soo saarayaa syntax error, wuxuuna kuu tilmaamayaa sadarka. Isla fikradda JavaScript-ka: console.log("Hello world"). Erayada way kala duwan yihiin, shaqadu waa isku mid.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Syntax-ka JavaScript ilaa ES6, DOM iyo async: JavaScript Masterclass. Luqad kale oo syntax-keedu fudud yahay: Ku Baro Python Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Syntax-ka PHP iyo Echo 18:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Syntax error micnihiisu waa maxay?
- Waa in luqaddu aanay fahmin waxaad qortay: calaamad maqan, xarig aan la xirin ama eray si khaldan loo qoray. Sadarka lagu sheegay ka bilow, kan ka horreeyana eeg.
- Luqad walba syntax-keeda ma xafidaa?
- Maya. Fikradaha ayaa muhiim ah. Syntax-ka waxaad ka heshaa documentation-ka, isticmaalka soo laalaabanayana ayaa kuu xafidinaya.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay programming?
Programming waa in computer-ka la siiyo tallaabooyin cad oo uu raaco si dhibaato loo xalliyo. Waxaad ku qortaa luqad sida JavaScript ama Python, computer-kuna wuxuu fuliyaa sidaad u qortay.
Waa Maxay JavaScript?
JavaScript waa luqadda programming-ka ee websaydka nolol siisa. HTML-ku qaab-dhismeedka ayuu keenaa, CSS-ku quruxda, JavaScript-kuna wuxuu keenaa dhaqdhaqaaqa: button la riixo, xog la soo qaado, bog isbeddela.
Waa Maxay Python?
Python waa luqad programming oo syntax-keedu fudud yahay oo English u dhow, loona isticmaalo AI, data analysis, automation iyo backend. Waa luqadda dadka cusub lagu soo dhoweeyo, iyo luqadda adduunka AI-ga ku dhisan yahay.
Waa Maxay variable?
Variable waa weel magac leh oo xog lagu kaydiyo si mar dambe loo isticmaalo: magac, tiro, liis. Waa fikradda ugu horreysa ee programming-ka.
Waa Maxay function?
Function waa qayb code ah oo shaqo gaar ah qabata, magac leh, oo mar kasta oo aad rabto la wici karo. Xog ayaad siin kartaa (parameters), natiijo ayuuna kuu soo celin karaa (return).