Waa Maxay automation?
Automation waa in shaqo soo laalaabata si automatic ah loo qabto, adigoo aan mar walba gacanta ku hayn. Script, workflow ama agent AI ah ayaa shaqada qabanaya.
Sidoo kale loo yaqaan
automation, automation-ka, automations, si automatic ah
Sharaxaad
Shaqooyinka soo laalaabta ayaa waqti badan qaata: xog la nadiifiyo, warbixin bishii la diyaariyo, ama xisaab maalin walba la eego. Hore, script ayaa loo qori jiray. Hadda, AI-ga ayaa lagu daraa: agent-ku database-ka wuu la sheekaysan karaa, warbixin wuu soo saari karaa, su'aal Af-Soomaali ah oo laga weydiiyana wuu ka jawaabi karaa.
Tusaale ganacsi: maqaayad ama shirkad markay rabto warbixin maalinle ah, meeshii developer-ku gacanta ku qori lahaa, agent ayaa xogta ka soo qaadaya oo warbixinta diyaarinaya. Wax la mid ah: document-yada shirkadda oo AI lala xiro si shaqaaluhu su'aal uga weydiiyaan.
Coding-ka, automation-ku wuxuu ku jiraa skills iyo commands. Shaqada soo laalaabta, sida qaabka code-ka GitHub loo saaro, hal mar ayaad qortaa, kadibna magaca ayaad ugu yeeraysaa. Meeshii aad maalin walba prompt dheer u qori lahayd, hal tilmaan ayaa ku filan.
Ogow: automation-ku ma aha in dadka shaqada laga saaro. Shaqooyinka soo laalaabta ayaa yaraanaya, kuwo cusubna way soo bixinayaan. Qofka isbeddelka la qabsada ayaa fursadda helaya.
Tusaale
Claude Code, skill ayaad samaysanaysaa oo sharraxaya qaabka aad rabto in code-ka GitHub loo saaro: talaabooyinka, magaca branch-ka iyo qaabka commit-ka. Kadib, mar walba oo aad u baahato, skill-ka magaciisa ayaad sheegaysaa, isaguna qaabkii ayuu raacayaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Skills, commands, agents iyo MCP: Agentic Coding with Claude Code. Meelaha suuqu u socdo: Xirfadaha 2026.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Fursadaha Cusub iyo Isbeddelka Tignoolajiyada 6:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Automation iyo AI agent farqigoodu waa maxay?
- Automation waa fikradda: shaqadu iskeed ha u dhacdo. Agent-ku waa qalab arrintaas lagu gaaro, wuxuuna go'aan gaari karaa oo tools isticmaali karaa.
- Halkee ayaan ka bilaabaa?
- Ka bilow shaqada aad maalin walba soo laalaabatid. Hal mar qor oo la soco. Marka ay si sax ah u shaqayso, mid kale ku dar.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay AI?
AI (artificial intelligence) waa systems computer ah oo qabta shaqooyin caqli bini'aadam u baahan: luqad fahmid, sawir aqoonsi, saadaalin iyo go'aan gaarid. Maanta inta badan waxaa lagu gaadhaa models xog aad u badan lagu tababaray.
Waa Maxay agent?
Agent waa software AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna keligiis tallaabooyinka qaada ilaa shaqadu ka dhammaato. Model-ku waa maskaxda, tools-kuna waa gacmaha uu wax ku qabto.
Waa Maxay workflow?
Workflow waa tallaabooyinka kala horreeya ee shaqo lagu dhammaystiro, iyo cidda ama waxa tallaabo kasta qabta. Marka la qoro oo la habeeyo, isla natiijada ayaa mar kasta soo baxaysa.
Waa Maxay skill?
Skill waa xirmo tilmaamo ah (iyo mararka qaar files iyo scripts) oo agent-ka AI-ga baraya sida shaqo gaar ah loo qabto, oo marka loo baahdo si automatic ah loo isticmaalo. Claude Code skills-ka waa qaabka ugu fudud ee agent-ka aqoon cusub loo siiyo.
Waa Maxay MCP?
MCP (Model Context Protocol) waa heshiis caalami ah (protocol) oo agent-ka AI-ga ku xira tools iyo xog dibadda ah: database, GitHub, browser, Notion, Stripe. Waa sida USB-ga AI-ga: hal qaab, tools badan.