Machine Learning waa qayb ka mid ah AI, waana habka mashiin lagu baro xog si uu iskiis u sameeyo go’aan ama saadaal. Farqiga ugu weyn ee Machine Learning iyo code caadi ah waa: code caadi ah developer ayaa sharci walba qoraya, laakiin Machine Learning, mashiinka ayaa iskiis sharciyo iyo qaabab ka baranaya xogta.

Machine Learning wuxuu ku dhisan yahay saddex arrimood: Data, Model, iyo Training. Marka hore xog badan ayaa la ururiyaa (Data). Kadibna xogtaas waxaa lagu tababaraa Model, si uu u barto xiriirka iyo qaabka xogtu leedahay. Marka Model-ku tababarka dhammeeyo, wuxuu bilaabaa inuu sameeyo Prediction — saadaalin ama go’aan ku saleysan xog cusub oo uusan horey u arkin.

Waxaa jira noocyo waaweyn oo Machine Learning ah:

Supervised Learning: xogta waxaa la siiyaa calaamado (labels). Tusaale: mashiinka ayaa la barayaa sawirro bisado iyo eeyo leh calaamado, si mustaqbalka uu u kala garto mid kasta.

Unsupervised Learning: xog aan calaamado lahayn ayaa la gelinayaa, mashiinka ayaana iskiis isku dayaya inuu kooxeeyo xogta (clustering).

Bal qiyaas shirkad gaadiid. Machine Learning ayaa la barayaa xogta macaamiisha iyo safarrada, wuxuuna saadaalin karaa goorta baahi safar ay badnaan doonto — tusaale ahaan aroortii iyo fiidkii. Tani waxay shirkadda ka caawinaysaa inay kordhiso gawaarida waqtiga saxda ah.

Marka Soomaaliya la eego, Machine Learning wuxuu noqon karaa xal weyn. Caafimaadka, ML waxaa loo adeegsan karaa in lagu ogaado cudurrada iyadoo la falanqeynayo sawirada raajada. Beeraha, ML waxaa loo adeegsan karaa in lagu saadaaliyo goorta roobka da’i doono ama goorta dalaggu bislaan doono. Ganacsiga, waxaa loo isticmaali karaa in lagu falanqeeyo dhaqanka macaamiisha si loo ogaado badeecada ugu badan ee la rabo. Halista jirta waa in xog tayo leh (quality data) weli aad u yar tahay, taasoo adkaynaysa in ML si sax ah loo adeegsado.

Machine Learning waa sida in mashiinka la baro xirfad cusub oo uu iskiis u sameeyo mustaqbalka. Waa tiknoolajiyo awood badan oo Soomaaliya ka caawin karta inay ka gudubto caqabadaha caafimaad, beeraha, iyo ganacsiga, haddii xog sax ah la helo.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles