Maanta waxaan ku noolnahay duni xog ah (Data World). Xogaha la abuuro, la kaydiyo, lana isticmaalo waxay gaartay heer aan hore loo arag. Sannadka 2025 waxaa lagu qiyaasaa in xogta caalamka ay gaartay 147 zettabytes. Haddii aan u beddelno GB: 1 ZB = 1 tirilyan GB, sidaas darteed 147 ZB waxay la mid tahay 147 tirilyan GB. Xogtan waxaa soo saara dad iyo qalab isku dhafan: shabakadaha bulshada (social media) oo leh sawirro, fiidiyowyo iyo qoraallo, shirkadaha iyo dowladaha oo leh xogaha bangiyada, cilmi-baarista iyo adeegyada dadweynaha, iyo qalabyada smart-ga sida mobillada, kamaradaha amniga iyo Internet of Things (IoT).

Kobaca xogta ayaa si aad ah u degdeg badan: sannadkii 2010 xogtu waxay ahayd wax ka yar 2 ZB, 2015 waxay gaartay qiyaastii 15 ZB, 2025 waxay dhaaftay 147 ZB, waxaana la saadaalinayaa in 2030 ay gaari doonto 600 ZB. Kobacaas wuxuu muujinayaa fursad weyn, caqabad adag iyo awood cusub. Waa fursad maxaa yeelay xogtu waxay noqotay saldhigga AI, sayniska iyo ganacsiga. Waa caqabad maxaa yeelay kaydinta, maaraynta iyo ilaalinta xogta waxay noqdeen arrimo culus. Waa awood maxaa yeelay cidda xogta si hufan u isticmaasha waxay yeelan doontaa hoggaanka mustaqbalka.

Xogtu maanta waa shidaalka cusub ee dhaqaalaha iyo tiknoolajiyada. Sida saliidda qarniyadii hore u ahayd il dhaqaale iyo awood siyaasadeed, xogtu maanta waxay noqotay saldhig dhaqaale iyo il awood oo weyn. Qof kasta oo fahma, kaydiya, kana faa’iideysta xogta si hufan wuxuu heli doonaa faa’iido iyo guul ballaaran mustaqbalka.

Mustaqbalka dhow, wax kasta oo xog ku saleysan waxay yeelan doonaan qiime aad u weyn. Xirfadaha la xiriira sida cybersecurity, data science, machine learning, data analysis, blockchain, data engineering, data visualization, big data technologies, cloud data platforms, database management (SQL), ETL & data pipelines, data governance & compliance, data architecture, business intelligence (BI), data ethics & privacy iyo dhammaan xirfadaha quseyn doona xogta (Data) waxay noqon doonaan kuwa ugu qiimaha badan suuqa shaqada iyo dhaqaalaha caalamka, walow ay jiri karaan xirfado si fudud u qaban doonto AI sida data analysis.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles