web-development

Waa Maxay Node.js?

Node.js waa runtime u ogolaanaya JavaScript inuu ka baxo browser-ka oo uu computer-ka iyo server-ka ka shaqeeyo. Sidaas ayaad hal luqad ugu qori kartaa frontend-ka iyo backend-ka labadaba.

Sidoo kale loo yaqaan
Node.js-ka, Node, NodeJS

Sharaxaad

Ka hor Node.js, JavaScript wuxuu ku xayiran yahay browser-ka; backend-ka waxaa loo isticmaali jiray PHP, Python ama Java. Node.js ayaa engine-kii Chrome banaanka soo saaray, sidaas darteedna developer-ku wuxuu hal luqad ku dhisi karaa server, API iyo tools. Waa sababta koorsooyinka badankood JavaScript looga bilaabo, kadibna backend-ka loo gudbo iyadoo aan luqad cusub la baran.

Node.js waxa uu la socdaa npm, oo ah maktabadda packages-ka ee ugu weyn dunida. Mar kasta oo aad project bilaabayso, npm install ayaad ku soo dejisataa waxa aad u baahan tahay: Express server-ka, Mongoose database-ka, iyo tools kale. Node.js sidoo kale waa shuruud ka horreysa tools-ka casriga ah: React, Next.js, Vite, Expo iyo React Native dhammaantood Node.js ayay ku shaqeeyaan. Sidaas darteed talaabada ugu horreysa ee aad qaaddo waa inaad Node.js soo dejisato oo aad node -v terminal-ka ku hubiso in version-ka cusub kugu jiro.

Tusaale

import express from "express"; const app = express(); app.get("/api/koorsooyin", (req, res) => res.json([{ magac: "HTML" }])); app.listen(8000);

Afar sadar ayaa server abuuray. Marka la wacayo endpoint-ka, JSON ayuu soo celinayaa. Kaasi waa aasaaska API kasta oo Node.js ku dhisan.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Node.js Backend: Build Production-Ready REST APIs waxay kaa qaadaysaa server-kii ugu horreeyay ilaa API dhamaystiran oo database iyo authentication leh.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Ku Shubashada Node.js iyo Expo 14:30

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Node.js ma luqad baa?
Maya, waa runtime. Luqadda waa JavaScript; Node.js ayaa siiya deegaanka uu computer-ka ku shaqeeyo iyo awoodda uu files, network iyo database ku gaadho.
Node.js mise Python backend-ka?
Haddaad JavaScript horay u baratay, Node.js ayaa waqti badan kaa badbaadinaya. Python wuu fiican yahay dhinaca data-da iyo AI-ga. Labaduba API wanaagsan way dhisi karaan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska