web-development

Waa Maxay state management?

State management waa habka xogta isbeddelaysa ee app-ka loo maamulo: halka la kaydiyo, cidda beddeli karta, iyo sida components-ka kale u ogaadaan isbeddelka.

Sidoo kale loo yaqaan
state management, state management-ka, Redux, global state

Sharaxaad

Component kastaa state-kiisa ayuu yeelan karaa, laakiin xog qaarkeed app-ka oo dhan ayaa u baahan: user-ka gashay, luqadda la doortay, ama alaabta cart-ka ku jirta. Marka aad props hoos u sii dhiibayso ilaa aad gaarto component-ka u baahan, waxaa la yiraahdaa props drilling. Waa daal, waana halka khaladaadku ka dhashaan.

Xalka koowaad ee React waa Context API: xogta meel dhexe ayaa la dhigaa, component kastana wuu ka soo qaadan karaa iyadoon props laga dhex marin. Marka logic-gu adkaado, useReducer ayaa lala isticmaalaa si hal meel go'aannada loogu maamulo.

Marka app-ku weynaado, Redux ayaa loo baahdaa. Redux waxaa loogu talagalay state management: hal store ayaa xogta app-ka oo dhan haya, isbeddelkana waxaa lagu sameeyaa qaab go'an oo dib loo raad-raaci karo. Hadda Redux Toolkit ayaa la isticmaalaa, waana ka fudud yahay kii hore. Waxaa kale oo jira kuwo yaryar sida Zustand.

Talo: ha ku bilaabin Redux. Ku bilow useState, kadib Context, kadibna markaad u baahato oo kaliya kor u qaad.

Tusaale

Cart-ka shopping app-ka: alaabta lagu daro waa in header-ka lambarkeeda lagu tuso, bogga cart-kana liiskeeda lagu tuso. Haddii state-ku hal component ku xiran yahay, labadaas meelood ma wada gaari karaan. Store dhexe ayaa xogta haya, labaduna waa ka akhrinayaan.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

useState, Context, useReducer iyo Redux Toolkit oo project real ah ee lagu isticmaalayo: React.js Masterclass. Mentorship-ka: React: Components, Hooks & State.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca iyo Setup-ka Redux Toolkit 13:28:28

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Goorma ayaan u baahdaa state management?
Marka laba component ama ka badan ay isla xogta u baahdaan, ama marka props-ku heerar badan hoos u socdaan. Kahor intaas, useState ayaa ku filan.
Context mise Redux?
Context waa fudud, wuxuuna ku fiican yahay xog yar oo dhif u beddelanta sida theme-ka ama user-ka. Redux waa mid xoog leh, oo ku habboon xog badan oo si joogto ah u isbeddesha.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska