Waa Maxay query?
Query waa weydiin aad database-ka u dirto: xog soo qaad, xog ku dar, xog beddel ama xog tirtir. SQL-ka afarta amar ee aasaasiga ah waa SELECT, INSERT, UPDATE iyo DELETE.
Sidoo kale loo yaqaan
query, query-ga, queries, query-yada
Sharaxaad
Database-ku xog ayuu hayaa, laakiin ma hadlo ilaa aad weydiiso. Query ayaa afka aad ku weydiinayso. Markaad DBeaver ama phpMyAdmin furto, waxaad ku bilowdaa show tables si aad u aragto table-ada jira, kadibna select ayaad ku soo akhrisaa xogta. Insert, update iyo delete ayaa raacaya.
Query-gu waa inuu noqdaa mid sax ah oo fudud. Haddii calaamad ka maqan tahay, database-ku wuxuu kuu sheegayaa syntax error iyo sadarka uu ka jiro. Marka xogtu badato, index ayaa loo baahdaa: query-gii daqiiqado qaadan jiray ilbidhiqsi ayuu ku dhammaanayaa.
Erayga query meelo kale ayuu ku leeyahay macne dheeraad ah. URL-ka query params ayaa ku jira, sida bogga labaad ee liiska. Web-ka casriga ah, React Query waa library xogta API-ga soo qaata oo cache-ka u haya. Meel kastaba, fikraddu isku mid ayay tahay: wax ayaad weydiinaysaa, jawaabna ayaad sugaysaa.
Tusaale
SELECT name, email FROM students WHERE city = 'Muqdisho';
Micnaha sadarkan: ardayda Muqdisho jooga, magac iyo email keliya ii keen. Backend-ka ayaa query-gan database-ka u diraya, natiijadana JSON ahaan ayuu frontend-ka u soo celinayaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Query-yada, tables-ka, JOIN iyo index-ka: Modern Databases: From SQL to NoSQL. Full course bilaash ah: Baro SQL Database Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Barashada DBeaver iyo Query-gii ugu Horreeyay 55:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Query iyo command farqigoodu waa maxay?
- Query waa weydiin xog: jawaab ayaad sugaysaa. Command-ku waa amar: table samee, beddel ama tirtir. SQL-ka labadaba wuu qabtaa, calaamadaha loo isticmaalona way kala duwan yihiin.
- Query-ga maxaa gaabis ka dhigaya?
- Inta badan waa index maqan ama column badan oo aan loo baahnayn oo la soo qaadayo. Ku bilow inaad soo qaadato column-nada aad u baahan tahay oo keliya.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay SQL?
SQL (Structured Query Language) waa luqadda xogta database-yada relational, sida MySQL iyo PostgreSQL, lagu soo raadiyo, lagu qoro, laguna beddelo. Afar amar ayaa aasaas ah: SELECT, INSERT, UPDATE, DELETE.
Waa Maxay database?
Database waa nidaam xog lagu kaydiyo, laga soo raadiyo, laguna cusboonaysiiyo si habaysan. Application kasta oo xogtiisu ay ahaato mid joogto ah, sida users, orders iyo posts, database ayuu isticmaalaa.
Waa Maxay MySQL?
MySQL waa database relational ah oo bilaash ah, kaas oo xogta ku haya tables. SQL ayaa lagula hadlaa, waana database-ka web-ka ugu badan ee la barto.
Waa Maxay MongoDB?
MongoDB waa database NoSQL ah oo xogta ku kaydiya documents JSON u eg, halkii tables iyo safaf laga isticmaali lahaa. Document walba wuxuu u ekaanayaa object JavaScript ah, waana sababta developers-ka web-ku ay ugu dhaqsi badan qabtaan.
Waa Maxay backend?
Backend waa dhinaca app-ka ee user-ku aanu arkin: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga. Halkaas ayaa xogta lagu kaydiyaa, laguna hubiyaa, kadibna frontend-ka loogu soo diraa API.