web-development

Waa Maxay MongoDB?

MongoDB waa database NoSQL ah oo xogta ku kaydiya documents JSON u eg, halkii tables iyo safaf laga isticmaali lahaa. Document walba wuxuu u ekaanayaa object JavaScript ah, waana sababta developers-ka web-ku ay ugu dhaqsi badan qabtaan.

Sidoo kale loo yaqaan
MongoDB-ga, Mongo, MongoDB Atlas

Sharaxaad

Database relational ah, sida MySQL, schema adag ayuu leeyahay: table kasta columns-kiisa horay ayaa loo qeexay. MongoDB si kale ayuu u shaqeeyaa. Xogtu waxay ku jirtaa collections, collection walbana wuxuu ka kooban yahay documents; document walba wuxuu qaadan karaa fields kala duwan. Sidaas darteed markaad feature cusub ku darayso, ma baahnid inaad table dhan dib u qaabayso.

Application-ka wuxuu MongoDB kula hadlaa driver ama ORM sida Mongoose ama Prisma, oo u dhexeeya code-kaaga iyo database-ka. Production-ka, dad badan waxay isticmaalaan MongoDB Atlas, oo ah nooca cloud-ka ee shirkaddu maamusho; connection string ayaad file-ka .env ku dhex qarisaa, kadibna server-ku wuu ku xirmaa. MongoDB waa M-ta MERN stack: MongoDB, Express, React iyo Node.js. Taasi ma aha in SQL laga tago; xog isku xiran oo xisaab lacageed leh weli SQL ayaa ku fiican, sidaas darteedna labadaba baro.

Tusaale

await db.collection("users").insertOne({ magac: "Xamda", magaalo: "Muqdisho", koorsooyin: ["html", "javascript"], });

Hal document ayaa gashay. Array-ga koorsooyinka isla document-ka ayuu ku jiraa, sidaas darteed table kale iyo JOIN looma baahna. Waa qaabka MongoDB xogta u fikiro.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Koorsada SQL & NoSQL Databases waxay kaa qaadaysaa SQL ilaa MongoDB, farqiga labadana way kuu caddaynaysaa. Adeegsi buuxa oo app dhan: MERN Stack: React, Node & MongoDB.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Setup-ka Prisma ORM iyo MongoDB Atlas 52:15

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

MongoDB mise SQL ayaan doortaa?
Xog dabacsan oo si degdeg ah u koraysa MongoDB. Xog isku xiran oo xisaab adag leh, sida lacag iyo orders, SQL. Project badan labadaba ayay wada isticmaalaan.
MongoDB ma bilaash baa?
Software-ku waa open source, computer-kaagana way ku shaqaysaa. Atlas oo cloud ah wuxuu leeyahay heer bilaash ah oo lagu barto, kadibna waxaa la kordhiyaa marka mashruucu weynaado.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska

Waa Maxay MongoDB? Database NoSQL | Qaamuuska Dugsiiye