Waa Maxay SQL?
SQL (Structured Query Language) waa luqadda xogta database-yada relational, sida MySQL iyo PostgreSQL, lagu soo raadiyo, lagu qoro, laguna beddelo. Afar amar ayaa aasaas ah: SELECT, INSERT, UPDATE, DELETE.
Sidoo kale loo yaqaan
SQL, Structured Query Language, MySQL, PostgreSQL
Sharaxaad
Database relational ah xogta wuxuu ku hayaa tables: users, orders, products. SQL waa sida aad database-ka ula hadasho: "ii keen users-ka Muqdisho jooga", "order cusub ku dar", "qiimaha product-kan beddel". Luqaddu waa English u dhow, marka bilowga waa fudud yahay; awooddeeda real ah waa relationships: JOIN ayaa laba table isku xira (user-kee ayaa order-kan sameeyay), GROUP BY xisaab ayay samaysaa (bishiiba meeqa order).
SQL waa xirfad ka mid ah kuwa ugu muhiimsan developer-ka, data engineer-ka iyo data scientist-ka labadaba. Xitaa haddaad MongoDB isticmaasho, SQL waa in aad fahantaa; shirkadaha waaweyn xogtoodu inta badan SQL ayay ku jirtaa. PostgreSQL waa kan hadda ugu caansan, MySQL-na waa kan ugu badan ee la baray.
Tusaale
SELECT name, email FROM users WHERE city = 'Muqdisho' ORDER BY name;
Hal sadar: users-ka Muqdisho jooga, magac iyo email, alphabetical. Application-ka backend-kiisu query-gaas ayuu database-ka u diraa, natiijadana API ahaan ayuu frontend-ka u soo celiyaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Full course bilaash ah: Baro SQL Database Af-Soomaali. Koorsada habaysan, SQL ilaa NoSQL: Modern Databases: From SQL to NoSQL.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Baro SQL Database Af-Soomaali Full Course 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- SQL ma programming language baa?
- Waa query language: xog ayaad ku weydiisaa, application kuma dhisi kartid. Waxaa lala isticmaalaa JavaScript, Python ama luqad kale.
- SQL mise MongoDB?
- Xog isku xiran oo xisaab leh (lacag, orders) SQL. Xog dabacsan oo JSON u eg oo si degdeg ah u koraysa MongoDB. Labadaba baro.
Ereyo la xiriira