Waa Maxay chatbot?
Chatbot waa barnaamij sheeko ahaan kula hadla: su'aal ayaad weydiisaa, jawaab ayuu kuu soo celiyaa. ChatGPT waa chatbot; support-ka website-ka oo su'aalaha ka jawaaba waa chatbot.
Sidoo kale loo yaqaan
chatbot-ka, chat bot, AI chatbot
Sharaxaad
Chatbots-kii hore xeerar ayay ku shaqayn jireen: "haddii user-ku 'qiimaha' yiraahdo, qiimaha tus". AI chatbots-ka maanta model ayaa ka dambeeya, marka su'aal kasta way fahmaan oo jawaab dabiici ah ayay bixiyaan. Waxaa lagu dhisaa model API, system prompt dabeecadda qeexaya, iyo RAG haddii xog gaar ah loo baahdo.
Farqiga chatbot iyo agent: chatbot-ku wuu hadlaa oo keliya; jawaab ayuu ku siinayaa, wax ma qaban karo. Agent-ku wuu hadlaa, wuxuuna wax qabtaa: tools ayuu isticmaalaa, email wuu diraa, booking wuu sameeyaa, code wuu qoraa. Chatbot-ku wuxuu kuu sheegaa sida trip loo book-gareeyo; agent-ku wuu kuu book-gareeyaa. Chatbot waa tallaabada koowaad ee AI engineering-ka, agent waa tan xigta.
Tusaale
Chatbot support ah oo website-ka koorsooyinka: user-ku wuxuu weydiiyaa "koorsada React intee ayay qaadataa?", chatbot-ku xogta koorsooyinka (RAG) ayuu ka soo raadiyaa oo jawaab sax ah bixiyaa. Haddaad ku darto "ii diiwaangeli" oo uu diiwaangelin sameeyo, agent ayuu noqday.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Chat app iyo chatbot RAG ah oo dhammaystiran: AI Engineering Masterclass. Farqiga chatbot iyo agent: Waa Maxay AI Agent?
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Farqiga u Dhexeeya Chatbot iyo Agent 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Chatbot dhisiddiisu ma adag tahay?
- Chatbot fudud maalin ayaad ku dhisi kartaa: model API, prompt, iyo interface. Chatbot wanaagsan oo xogtaada ku salaysan RAG ayuu u baahan yahay.
- Chatbot bilaash ma ku dhisi karaa?
- Haa, models-ka open source sida DeepSeek iyo LLaMA oo Ollama lagu run-gareeyo, lacag la'aan ayaad ku tijaabin kartaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay ChatGPT?
ChatGPT waa chatbot AI ah oo shirkadda OpenAI samaysay, kuna dhisan models-ka GPT. Waa AI-ga ugu caansan adduunka, wuxuuna 2022 dadka caadiga ah u furay AI-ga.
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay RAG?
RAG (Retrieval-Augmented Generation) waa hab model-ka AI-ga xog dibadda ah loogu siiyo intaanu jawaabin: su'aasha markaad weydiiso, qaybaha xogtaada ee la xiriira ayaa marka hore la soo raadiyaa (retrieval), kadibna model-ku jawaabta ayuu ka soo saaraa (generation).