Waa Maxay object?
Object waa qaab xog oo xog badan hal meel isugu keena. Qayb kastaa waxay leedahay magac (key) iyo qiime (value), sida magac: "Xamuud" iyo age: 22.
Sidoo kale loo yaqaan
object, object-ka, objects, object-ga
Sharaxaad
Fikirka waa fudud. Haddaad nationality, age iyo magac saddex variable u kala qorto, isbeddel kastaa waxay kugu qasbaysaa inaad saddexdaba ka shaqayso. Halkii aad saas yeeli lahayd, hal value ayaad isugu geynaysaa oo object ayaad ka dhigaysaa. Kadib developer.age iyo developer.nationality ayaad ku gaadhaysaa, mid kastana magaciisa ayaa kuu sheegaya waxa uu yahay. Taasi waa sababta objects-ku ugu badan yihiin code-ka real ah: user, product, order iyo lesson dhammaantood waa objects.
Hal khalad ayaa jira oo dad badan ku dhaca, gaar ahaan dhinaca React. Markaad object cusub meesha ku beddesho, keys-kii hore way baaba'ayaan. Haddaad rabto inaad hal key beddesho, kuwa kale hana taabanin: { ...developer, age: 23 }. Saddexda dhibcood waxay ka dhigan yihiin "wixii hore ku jiray kaalay", kadibna waxa cusub ayaa la dul saarayaa. Luqadaha OOP sida Python, object micno dheeraad ah ayuu leeyahay: waa shay laga dhalay class, oo xog iyo shaqooyin isku wada haya.
Tusaale
const developer = { magac: "Xamuud", nationality: "Somaliland", age: 22 };
console.log(developer.age); // 22
setDeveloper({ ...developer, age: 23 }); // age keliya ayaa beddelmaya
Hal object, saddex qiime. Sadarka labaad wuxuu soo qaadayaa qiimaha, sadarka saddexaadna wuxuu abuurayaa object cusub oo kuwii kale weli sida ay ahaayeen u haya.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Objects, arrays iyo destructuring: JavaScript Masterclass iyo Baro JavaScript Af-Soomaali. Objects-ka state-ka React: Baro React JS Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
useState oo Complex ah iyo Objects 1:45:05
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Object iyo array farqigoodu waa maxay?
- Array waa liis, tirooyin (0, 1, 2) ayaana lagu gaadhaa. Object magacyo ayuu isticmaalaa. Xog isku nooc oo tiro ah, array; xog qayb kastaa macne u leedahay, object.
- Object gudihiisa object kale ma gelin karaa?
- Haa, oo waa caadi. `user.address.city` waa object gudaha object kale ku jira. Ha sii qoto dheerayn: haddii aad saddex heer ka gudubto, waa lagu wareeraa, ciladduna way ku qarsoontaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay variable?
Variable waa weel magac leh oo xog lagu kaydiyo si mar dambe loo isticmaalo: magac, tiro, liis. Waa fikradda ugu horreysa ee programming-ka.
Waa Maxay array?
Array waa hal variable oo qiimayaal badan isku kaydiya. Qiime walba wuxuu leeyahay boos loo yaqaan index, boosuna wuxuu ka bilaabmaa eber, ma aha kow.
Waa Maxay function?
Function waa qayb code ah oo shaqo gaar ah qabata, magac leh, oo mar kasta oo aad rabto la wici karo. Xog ayaad siin kartaa (parameters), natiijo ayuuna kuu soo celin karaa (return).
Waa Maxay JSON?
JSON (JavaScript Object Notation) waa qaab qoraal ah oo xogta lagu kala qaado barnaamijyada. Waa luqadda dhexe ee server-ka iyo frontend-ku isku fahmaan, dadkuna akhriyi karaan.