web-development

Waa Maxay frontend?

Frontend waa dhinaca application-ka ee user-ku arko oo taabto: bogagga, badhannada, foomamka iyo dhaqdhaqaaqa shaashadda. Browser-ka ama telefoonka ayuu ku shaqeeyaa.

Sidoo kale loo yaqaan
frontend, frontend-ka, front-end, front end

Sharaxaad

Frontend-ka saddex shay ayuu ku dhisan yahay. HTML waa qaab-dhismeedka: qoraalka, sawirrada iyo foomamka. CSS waa muuqaalka: midabbada, fonts-ka, meelaynta iyo responsive-ka si boggu u shaqeeyo shaashad kasta. JavaScript waa dhaqdhaqaaqa: waxa dhaca markaad badhanka riixdo, xogta API-ga laga soo qaadayo, iyo shaashadda oo isbeddelaysa iyadoo aan boggu dib u soo bixin.

Waddadu waa kala sarraysaa: HTML, kadib CSS, kadibna JavaScript. Marka saddexdaas la dhammaystiro, waxaad dhisi kartaa website static ah oo responsive ah. Kadib ayaa la aadaa framework-yada sida React iyo Next.js oo bogagga u kala qaybiya components dib loo isticmaali karo.

Frontend-ku ma aha muuqaal oo kaliya. Wuxuu mas'uul ka yahay xawaaraha bogga, sida uu telefoonka ugu shaqeeyo, iyo in qofka internet-ka gaaban ama shaashadda yari uu isticmaali karo.

Tusaale

Bogga login-ka: HTML ayaa foomka samaynaya, CSS ayaa muuqaalka siinaya, JavaScript-na wuxuu qaadaa email-ka iyo password-ka, kadibna server-ka ayuu u diraa. Server-ka ayaa hubinaya. Frontend-ku marnaba password ma hubiyo, maxaa yeelay code-ka client-ka qof kastaa arki karaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Frontend casri ah oo React ah, components iyo hooks: React.js Masterclass. Aasaaska: Baro HTML Af-Soomaali iyo Baro JavaScript Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Aasaaska Webka, HTML iyo CSS 6:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Frontend iyo backend farqigoodu waa maxay?
Frontend waa waxa aad aragto oo aad taabato. Backend waa waxa gadaal ka shaqeeya: database-ka, amniga iyo logic-ga. Full-stack waa qofka labadaba qabta.
Framework ma waajib baa?
Maya, laakiin markaad HTML, CSS iyo JavaScript soo baratay, framework-ku waqti badan ayuu kaa badbaadinayaa. React ayaa suuqa ugu badan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska