Waa Maxay string?
String waa qoraal: ereyo, xarfo ama tirooyin qoraal ahaan loo hayo. Quotes ayaa lagu garanayaa, sida "Salaan" ama 'Xamuud'.
Sidoo kale loo yaqaan
string, string-ga, strings, template literal
Sharaxaad
Barnaamijku wuxuu kala saaraa 5 iyo "5". Kan hore waa tiro la xisaabin karo, kan dambe waa qoraal. Sidaas darteed "5" + 5 wuxuu ku siinayaa "55", ma aha 10. Halkaas ayaa ciladaha ugu badan ka soo baxaan: form kastaa wuxuu soo celiyaa string, xitaa marka user-ku tiro qoro. Haddaad xisaab ku samaynayso, Number() ayaad marsiinaysaa marka hore.
Sida qiimaha loogu daro qoraalka waa arrin muhiim ah. Haddaad magaca variable-ka quotes gudahood ku qorto, magaciisa ayaa soo baxaya, ma aha waxa uu haysto. Si qiimaha uu u soo baxo, waxaad isticmaashaa template literal: backticks ayaad furaysaa, ${...} gudahoodna waxaad gelinaysaa variable-ka. Python isla shaqadaas f-string ayuu ugu talagalay. Methods-ka aad maalin kasta isticmaali doonto: .length (dhererka), .toUpperCase(), .trim() (bannaanka ka jar), .split() (qaybi), .includes() (ma ku jiraa?) iyo .replace(). Xusuusnow: strings-ku ma isbeddelaan. Method kastaa string cusub ayuu soo celiyaa, kii hore sidiisii ayuu u sii jiraa.
Tusaale
const magac = "Xamuud";
console.log(`Salaan, ${magac}!`); // Salaan, Xamuud!
console.log("Salaan, magac!"); // Salaan, magac!
console.log(magac.toUpperCase()); // XAMUUD
Sadarka koowaad qiimaha ayuu soo saarayaa, kan labaadna qoraalkii sidiisii. Farqiga waa backticks iyo ${}.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Strings, methods iyo xogta oo dhan: JavaScript Masterclass iyo Baro JavaScript Af-Soomaali. Dhinaca Python, f-strings iyo string formatting: Ku Baro Python Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
String Manipulation iyo Formatting 2:00:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Single quotes iyo double quotes farqi ma leh?
- JavaScript farqi ma laha. Hal qaab dooro oo project-ka oo dhan ku sii jir. Backticks ayaa gaar ah: iyaga keliya ayaa `${}` qaadan kara.
- Tirada form-ka ka timid maxay string u tahay?
- Sababtoo ah user-ku qoraal ayuu qoray. Browser-ku wax kama qiyaaso. `Number(qiimaha)` isticmaal ka hor inta aadan ku xisaabin, haddii kale natiijadu qalad ayay noqonaysaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay variable?
Variable waa weel magac leh oo xog lagu kaydiyo si mar dambe loo isticmaalo: magac, tiro, liis. Waa fikradda ugu horreysa ee programming-ka.
Waa Maxay object?
Object waa qaab xog oo xog badan hal meel isugu keena. Qayb kastaa waxay leedahay magac (key) iyo qiime (value), sida magac: "Xamuud" iyo age: 22.
Waa Maxay function?
Function waa qayb code ah oo shaqo gaar ah qabata, magac leh, oo mar kasta oo aad rabto la wici karo. Xog ayaad siin kartaa (parameters), natiijo ayuuna kuu soo celin karaa (return).
Waa Maxay JSON?
JSON (JavaScript Object Notation) waa qaab qoraal ah oo xogta lagu kala qaado barnaamijyada. Waa luqadda dhexe ee server-ka iyo frontend-ku isku fahmaan, dadkuna akhriyi karaan.