web-development

Waa Maxay responsive?

Responsive waa in boggaagu si fiican ugu shaqeeyo shaashad kasta: telefoon, tablet iyo computer. Isla code-ka ayaa isbeddelaya sida uu isu habeeyo cabbir walba.

Sidoo kale loo yaqaan
responsive, responsive-ka, responsive design, mobile first

Sharaxaad

Dad badan ayaa website-ka telefoonka ku daawada, sidaas darteed design-ku waa inuu telefoonka ka bilaabmaa. Habka ugu badan waa mobile first: marka hore waxaad qortaa qaabka telefoonka, kadibna breakpoints ayaad ku dartaa si shaashadda weyni u kala fidsato. CSS-ka waxaa loo isticmaalaa media queries; Tailwind-ka waxaa la isticmaalaa horgale sida md ama lg.

Waxa inta badan jabta waa afar: sawirrada oo aan is-yarayn, qoraalka oo aad u weyn shaashadda yar, table-yada oo dhinaca u baxaya, iyo badhannada oo aad u yar oo farta lagu taaban waayo. Mid walba xal fudud ayuu leeyahay: max-width sawirka, cabbir la qabsan kara qoraalka, table-ka meel iska socota gali, badhannadana bal weynee.

Xeer fudud: cabbir go'an ha isticmaalin marka aad awoodo. Boqolkiiba, max-width, flexbox iyo grid ayaa bogga ka dhigaya mid isu habeeya. Marka aad dhammayso, tijaabi: browser-ka developer tools ka dooro cabbirka telefoonka, kadibna telefoon real ah ku fiiri.

Tusaale

<div class="grid grid-cols-1 md:grid-cols-3 gap-4">...</div>

Telefoonka hal column ayuu noqonayaa, shaashadda dhexe iyo tan weynina saddex column. Isla code-ka, laba muuqaal oo kala duwan.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Tailwind iyo bogag casri ah oo isu habeeya: Tailwind CSS: Modern Websites. Aasaaska flexbox iyo grid: CSS Masterclass.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Xallinta Ciladaha iyo Hagaajinta CSS/Tailwind 30:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Responsive iyo mobile app ma isku mid baa?
Maya. Responsive waa website browser-ka ku shaqeeya oo isu habeeya shaashadda. Mobile app-ku waa barnaamij telefoonka lagu shubto, sida kuwa React Native lagu dhiso.
Sidee ayaan u tijaabiyaa?
Browser-ka developer tools fur, cabbirrada telefoonka dooro, kadibna telefoon real ah ku fiiri. Simulator-ku wax walba ma muujiyo.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska