web-development

Waa Maxay React Native?

React Native waa framework ay Meta samaysay oo kuu ogolaanaya inaad mobile applications ku dhisto JavaScript iyo React. Hal mar ayaad code-ka qortaa, iOS iyo Android labadaba ayaad ku fulisaa.

Sidoo kale loo yaqaan
React Native, React Native-ka, react native, react-native

Sharaxaad

Native development-ka, Swift ayaa loo isticmaalaa iPhone-ka, Kotlin-na Android-ka. Micnaheedu waa laba code oo kala duwan, laba team iyo laba shaqo maalin walba. React Native wuxuu ku beddelay hal codebase: JavaScript ama TypeScript ayaad qortaa, labada platform ayaadna ku fulisaa. Xitaa Mac, Windows iyo web-ka ayaa la gaari karaa.

Version-yadii hore, bridge ayaa u dhexeeyay JavaScript-ka iyo native code-ka, culaysna wuu saarayay performance-ka. Architecture-ka cusub, bridge-kaas waa laga saaray: Turbo Modules, JSI iyo Fabric ayaa keenay xawaare, animations wanaagsan iyo developer experience fudud.

Shirkado waaweyn ayaa isticmaala: Meta (Facebook Ads iyo Horizon), Microsoft (Outlook, Teams, Xbox), Amazon (Shopping, Alexa, Kindle) iyo Shopify. Sidaas darteed ecosystem-kiisu ma aha mid caadi ah.

Si aad u bilowdo: Android Studio iyo emulator, ama Expo Go oo telefoonkaaga ku shaqeeya haddii computer-kaagu awood yar leeyahay. Simulator-ka iPhone-ka Mac ayuu u baahan yahay.

Tusaale

import { View, Text } from "react-native"; export default function Home() { return ( <View> <Text>Salaan, Dugsiiye!</Text> </View> ); }

Meesha div iyo p ma yaalaan: View iyo Text ayaa u qaabilsan. Isla code-kaas ayaa iOS iyo Android ku shaqeeya.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

React Native: iOS & Android waxaad ku baranaysaa components-ka, navigation-ka, async storage iyo project dhammaystiran. Free-ga: Baro React Native Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhac iyo Sharaxaadda React Native 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

React iyo React Native ma isku mid baa?
Isla fikradaha ayay wadaagaan: components, props iyo state. Laakiin components-ku way kala duwan yihiin: web-ka div iyo span, mobile-kana View iyo Text.
Emulator iyo simulator farqigoodu waa maxay?
Emulator-ku si dhow ayuu u ekaysiiyaa telefoon Android ah. Simulator-ka iOS-na waa tusaale uun, telefoonka real ah mararka qaar wuu ka duwanaan karaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska