Waa Maxay port?
Port waa lambar albaab u ah barnaamij ku shaqeeya computer ama server. Hal computer barnaamijyo badan ayaa ku shaqayn kara, port-kuna wuxuu kala saaraa mid walba halka laga helayo.
Sidoo kale loo yaqaan
port, port-ka, port-yada, Port
Sharaxaad
Computer-kaaga waa sida guri albaabbo badan leh. Cinwaanka guriga waa localhost, albaabkuna waa port-ka. Next.js markaad furto wuxuu ku shaqeeyaa localhost:3000; Apache-ga XAMPP wuxuu isticmaalaa 80 ama 8080; MySQL-na 3306 ayuu dhagaystaa. Sidaas darteed, markaad browser-ka qorto localhost, mararka qaar waa inaad port-ka ku darto: localhost:8080.
Dhibaatada ugu badan waa markuu port-ku horay u qabsan yahay. Barnaamij kale ayaa albaabkaas ku fadhiya: mararka qaar waa VMware ama software kale, mararka qaarna waa server-kii hore oo aan si sax ah u xirmin. Laba xal ayaa jira: barnaamijka hore dami, ama port kale u beddel.
Production-ka, user-ku port-ka ma arko. Nginx ama cloud-ka ayaa 443 ka aqbala internet-ka, gudahana wuxuu u gudbiyaa port-ka app-kaagu ku shaqaynayo.
Tusaale
npm run dev -- -p 3001
Haddii 3000 uu qabsan yahay, port kale ayaad siisaa server-ka horumarinta, kadibna waxaad furtaa localhost:3001. Tani waa xeel fudud markaad laba project isku mar wadid.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Server-ka, routes-ka, port-ka iyo API real ah oo la dhisayo: Node.js Backend & REST API.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Casharka 1aad: Setup-ka iyo XAMPP 10:35
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Waa maxay port-yada ugu caansan?
- 80 waa HTTP, 443 waa HTTPS, 3000 iyo 3001 waa server-yada horumarinta JavaScript, 3306 waa MySQL, 27017-na waa MongoDB.
- Khaladka port-ka la qabsaday sidee loo xalliyaa?
- Barnaamijka lambarkaas haysta terminal-ka ka hel oo dami, ama port kale isticmaal. Inta badan waa server-kii hore oo tab kale ku furan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay server?
Server waa computer had iyo jeer shaqaynaya oo aqbala requests-ka ka yimaada isticmaalayaasha, database-ka xogta ka soo qaada, jawaabtana soo celiya. Waa dhinaca aan user-ku arkin ee app-ka.
Waa Maxay localhost?
Localhost waa magaca computer-kaaga naftiisa marka network-ka la eegayo. Markaad browser-ka ku qorto localhost, internet-ka ma aadayso: computer-kaaga ayaad wax weydiinaysaa.
Waa Maxay backend?
Backend waa dhinaca app-ka ee user-ku aanu arkin: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga. Halkaas ayaa xogta lagu kaydiyaa, laguna hubiyaa, kadibna frontend-ka loogu soo diraa API.
Waa Maxay npm?
npm (Node Package Manager) waa tool terminal-ka lagu isticmaalo oo packages-ka JavaScript lagu soo shubo, lagu maamulo, scripts-ka project-kana lagu fuliyo. Node.js markaad computer-kaaga ku shubto, npm wuu la socdaa.
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.