Waa Maxay AI engineer?
AI engineer waa qofka dhisa application-no AI la falgala oo dhibaatooyin real ah xalliya. Wuxuu ku shaqeeyaa models jira, kuwaas oo uu app-yo iyo systems production ku shaqeeya ku dhex geliyaa.
Sidoo kale loo yaqaan
AI engineer-ka, AI engineers, AI engineering
Sharaxaad
Farqiga u dhexeeya software engineering-ka caadiga ah iyo AI engineering-ka waa saadaalinta. Barnaamijka caadiga ah isla input isla output ayuu bixiyaa: sidebar-ku had iyo jeer isku qaab ayuu u muuqdaa. Model AI ah isla su'aal ayuu laba jawaab oo kala duwan u soo saari karaa. Sidaas darteed shaqada AI engineer-ku waxay ku saabsan tahay sida natiijadaas loo hago, loo tijaabiyo oo lagu kalsoonaado.
Xirfadaha waa kuwan: fahamka sida LLM-yadu u shaqeeyaan, API integration, prompt-yada wanaagsan, RAG oo lagu daro xogtaada gaarka ah, agents iyo tools, iyo ugu dambayn hubinta iyo kharashka. Ma aha in model laga tababaro eber; taasi waa shaqada machine learning engineer-ka, oo xisaab iyo statistics u baahan. AI engineer-ku badanaa developer wuxuu ka yimaadaa: JavaScript ama Python, backend, database, kadibna dhinaca AI-ga ayuu ku daraa. Waa waddada ugu dhaqso badan ee developer-ka joogaa uu AI-ga ku geli karo.
Tusaale
Shirkad waxay rabtaa in macaamiisheedu su'aalo ka weydiiyaan documents-keeda. AI engineer-ku wuxuu dhisaa RAG system: documents-ka wuu kala jarjaraa, vector database ayuu ku kaydiyaa, su'aal kastana wuxuu ka soo qaadaa qaybaha khuseeya, kadibna model-ka ayuu jawaab ka dhisaa. Model cusub lama tababarin; qaab-dhismeed ayaa la dhisay.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Professional AI Engineer Track waa waddada dhamaystiran. Haddaad rabto qaybta la dhisayo oo keliya: AI Engineering Masterclass, oo aad ku dhisayso chat app, RAG iyo agents.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Waa Maxay AI Engineer? 1:14
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- AI engineer iyo machine learning engineer maxay ku kala duwan yihiin?
- Machine learning engineer-ku models ayuu tababaraa oo tuning ku sameeyaa, xisaabna wuu u baahan yahay. AI engineer-ku models jira ayuu app ku dhex dhisaa.
- Ma noqon karaa AI engineer qof aan developer ahayn?
- Waa inaad marka hore programming barataa. Marka JavaScript ama Python, API iyo database aad heshid, dhinaca AI-ga bilooyin ayaad ku geli kartaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay machine learning?
Machine learning waa qaybta AI-ga ee mashiinku xogta pattern kaga barto, halkii qofku xeer kasta gacanta ugu qori lahaa. Intii xogtu badnaato ayuu sii fiicnaadaa.
Waa Maxay AI?
AI (artificial intelligence) waa systems computer ah oo qabta shaqooyin caqli bini'aadam u baahan: luqad fahmid, sawir aqoonsi, saadaalin iyo go'aan gaarid. Maanta inta badan waxaa lagu gaadhaa models xog aad u badan lagu tababaray.
Waa Maxay LLM?
LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.
Waa Maxay RAG?
RAG (Retrieval-Augmented Generation) waa hab model-ka AI-ga xog dibadda ah loogu siiyo intaanu jawaabin: su'aasha markaad weydiiso, qaybaha xogtaada ee la xiriira ayaa marka hore la soo raadiyaa (retrieval), kadibna model-ku jawaabta ayuu ka soo saaraa (generation).
Waa Maxay full stack?
Full stack waa qofka ka shaqeeya labada dhinac ee app-ka: frontend-ka user-ku arko iyo backend-ka xogta iyo logic-gu ku jiraan. Waxaa lagu daraa database-ka iyo shubidda internet-ka.