Software Engineering waa cilmiga iyo farsamada lagu dhiso software adag, lagu hago, laguna ilaaliyo si uu u noqdo mid hufan, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo. Software waxaa dhisi kara qof kasta oo code barta, balse Software Engineering wuxuu ka badan yahay code keliya — waa nidaam buuxa oo lagu qorsheeyo, lagu dhiso, laguna tijaabiyo barnaamij.

Waxaa jira marxalado waaweyn oo Software Engineering ku shaqeeyo:

Requirements: marka hore waa in la fahmaa waxa user-ku doonayo.

Design: kadib waxaa la sameeyaa naqshad, sida software-ku u shaqeyn doono iyo qaab-dhismeedkiisa.

Development: halkan code-kii ayaa la qoriyaa.

Testing: barnaamijka waa la hubiyaa si loo xaqiijiyo inuusan lahayn khaladaad.

Deployment: software-ka waxaa loo diraa isticmaalayaasha.

Maintenance: waa in la dayactiraa, dib loo cusbooneysiiyaa, lana sii hagaajiyaa mustaqbalka.

Hababka ugu caansan waxaa ka mid ah Waterfall Model oo si toos ah uga socota talaabo talaabo, iyo Agile oo ah hab wareegyo yaryar ah (iterations) oo degdeg ah oo user feedback lagu dhiso software-kana si joogto ah loo hagaajinayo.

Tusaale, bal qiyaas dhismaha guri. Marka hore waxaad la tashataa qofka guriga leh si aad u ogaato wuxuu rabaa (requirements). Kadib waxaad samaysaa naqshadda (design). Markaas ayaa la bilaabaa dhismaha (development). Marka dhismaha dhammaado, injineer ayaa hubinaya (testing). Kadib guriga waxaa la wareegaya milkiilaha (deployment). Sanad kasta waxaa lagu sameeyaa hagaajin iyo dayactir (maintenance). Software Engineering waa isla habkaas, balse code iyo nidaamyo digital ah.

Marka Soomaaliya la eego, dhibaato weyn ayaa ka jirta. Inta badan barnaamijyada la sameeyo waa kuwa code si degdeg ah loo qoray oo aan lahayn nidaam Software Engineering. Waxaa la waayaa documentation, design cad, tijaabo joogto ah, iyo dayactir. Taasi waxay sababtaa in software badan uu noqdo mid aan la isku halleyn karin, gaabis ah, oo degdeg u burbura.

Software Engineering waa sida naqshadeeye, dhise, iyo dayactire si wadajir ah uga shaqeeya software. Waa nidaam qof kasta oo developer Somali ah u baahan yahay inuu fahmo oo barto, si uu uga gudbo barnaamij yar oo degdeg ah una dhiso nidaamyo waaweyn oo Soomaaliya ku hagi kara dhinaca digital-ka.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles