Algorithm waa eray programmers iyo mathematicians si joogto ah u adeegsadaan, Haddii aan si fudud u dhigno waa “hab-raac” cad oo xal loogu helo dhibaato. Algorithm ma aha wax qarsoon, waa tallaabooyin isku xiran oo lagu gaarayo natiijo. Haddii nolol maalmeed ka fiirino, karinta shaah waa Algorithm: marka hore biyo kululee, kadib caleenta ku dar, sonkor geli, ugu dambeyna koobka ku shub. Tallaabo kasta waa qayb ka mid ah Algorithm-ka shaah karinta.

Dunida software-ka, Algorithm waa maskaxda ka dambeysa barnaamij kasta. Markaad qoreyso program, xitaa adiga oo aan si toos ah u ogeyn, waxaad adeegsanaysaa Algorithm. Haddii aad dhiseyso middleware authorization oo hubinaya user-ka, nidaamka aad qoreysid waa Algorithm kaas oo go’aaminaya sida loo hubinayo password, sida loo eego token, iyo sida loo diido ama loo oggolaado access. Taasi waxay ka dhigan tahay in software adag, degdeg ah, amaan ah aan la dhisi karin haddii aan si fiican loo fahmin Algorithms iyo sida loogu dabaqo best practices.

Waxaa jira Algorithms kala duwan: Sorting Algorithms sida QuickSort oo xog kala habeeya, Search Algorithms sida Binary Search oo xog badan gudaheeda si dhakhso leh wax uga raadisa, Cryptographic Algorithms sida AES ama RSA oo xogta qariya, iyo Machine Learning Algorithms sida Decision Trees iyo Neural Networks oo xogta ka baranaya habdhaqan si ay saadaal u sameeyaan. Mid kasta wuxuu leeyahay xaalad ku habboon oo lagu dabaqo.

Farqiga ugu weyn ee Algorithms waa tayada. Algorithm fiican waa mid sax ah, degdeg ah, isla markaana aan kaa baahnayn resources badan. Halka Algorithm liita uu sababi karo in software-kaaga noqdo mid gaabis ah, khaladaad badan leh, ama nugul dhinaca amniga oo daciif ah.

Tusaale yar: bal qiyaas isbitaal bukaan diiwaangelinaya. Haddii nidaamka software-ka uu leeyahay Algorithm fiican, marka magaca bukaanka la geliyo wuxuu isla markiiba ku tusayaa xogtii hore — daawooyinkii loo qoray, ballamihii hore, iyo xaaladaha caafimaadkiisa. Haddii Algorithm-ku liito, xogta waa lagu wareerayaa, raadintiisu waa gaabis, waxaa laga yaabaa in qof lagu qaldo xog qof kale. Halkaas ayaa lagu kala gartaa software wanaagsan iyo mid liita: Algorithm adag iyo Algorithm jilicsan.

Marka Soomaaliya la eego, nidaamyada badan ee digital-ka ayaan ku dhisnayn Algorithms casri ah. Waxaa jira gaabis iyo khaladaad joogto ah sababtoo ah xogta looma kala shaandheeyo si wanaagsan, raadintuna waa mid liidata. Nidaamyada noocaas ah waxaa ka dhashaan kalsooni daro iyo dhibaatooyin dhaqaale iyo amni.

Agorithm waa laf-dhabarta software-ka. Waa hab-raac qeexan oo go’aamiya in nidaamku noqdo mid adag, degdeg ah, amaan ah. Qof kasta oo developer ah waa inuu ogaadaa in barnaamij kasta uu ku shaqeynayo Algorithm, isaga ayaana dooranaya in Algorithm-ka uu adeegsado noqdo mid jilicsan iyo mid xoog leh. Fahamka iyo adeegsiga best Algorithm practices waa jidka kaliya ee lagu dhisi karo software lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya ka caawiya inay ka baxdo heerka gaabis iyo dayac una gudubto heer amni iyo hufnaan.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles