
Data Structures waa eray muhiim ah oo developers si joogto ah u adeegsadaan. Haddii si fudud loo dhigo, waa qaabka xog loo habeeyo si loo kaydiyo loona maamulo. Xogta kaliya in la haysto ma ahan muhiim, balse sida loo habeeyay ayaa go’aamisa in software uu noqdo mid degdeg ah, fudud, ama gaabis ah.
Haddii nolol maalmeed ku tusaaleyno, bal qiyaas maktabad buugaag buuxa ah. Haddii buugaagtu si aan nidaam lahayn la isugu dul saaray, qof kasta oo doonaya buug wuxuu waayi doonaa saacado uu ku raadsho. Laakiin haddii buugaagtu u kala yaallaan shelves, cinwaan kasta la leeyahay, index iyo number la raaciyay, hal daqiiqo gudahood buugga la rabo waa la heli karaa. Taasi waa farqiga u dhexeeya xog qasan iyo Data Structure fiican.
Tusaale kale, bal qiyaas isbitaal bukaan ku diiwaangelinaya. Haddii xogta bukaannada lagu hayo sida Array, waxaa si fudud loogu dhex raadin karaa index. Haddii la adeegsado Tree Structure, bukaannada waxaa loo kala saari karaa qeybaha caafimaad (caruur, haween, rag), kadib cudurada kala duwan, taas oo sahleysa in xogta si degdeg ah loo kala helo. Haddii Data Structure-ka liito, xogta waa lagu wareerayaa, raadintu waa adkaan, mararka qaarna qof ayaa lagu qaldi karaa xog qof kale.
Dunida software-ka waxaa jira Data Structures badan:
Arrays oo xog lagu kaydiyo si isku xigta.
Linked Lists oo ah xog ku xiran pointers.
Stacks iyo Queues oo xog lagu habeeyo sida “Last In First Out” ama “First In First Out”.
Trees iyo Graphs oo xog badan lagu xiriiriyo qaabab laamo iyo shabakad u eg. Data Structure kasta wuxuu leeyahay waqti uu ku habboon yahay: qaar raadinta ayay ku fiican yihiin, qaar kaydinta, qaarna xiriirinta xogta.
Data Structures waa sida shelves iyo index buug maktabad lagu habeeyo. Waa qaabka go’aaminaya in xogtaada si degdeg ah loo helo, ama la waayo.Fahamka Data Structures waa tallaabada ugu horreysa ee lagu dhisayo nidaamyo digital ah oo lagu kalsoonaan karo.
More like this

Waa Maxay Algorithm
Algorithm waa eray programmers iyo mathematicians si joogto ah u adeegsadaan, Haddii aan si fudud u dhigno waa “hab-raac” cad oo xal loogu helo dhibaato.

Waa Maxay NodeJS
Node.js waa JavaScript runtime environment oo kuu oggolaanaya inaad JavaScript ku run gareyso dhinaca server-ka, halkii ay hore ugu shaqeyn jirtay oo keliya browser-ka.

10-ka Programming Languages Ugu Fiican 2025
Beri hore, caalamka barnaamij-samayntu wuxuu ahaa meel si gaar ah loo yaqaan, inta badanna waxaa loo arkayay xirfad adag oo ay helaan dad kooban.