Prisma waa ORM (Object Relational Mapper) casri ah oo loogu talagalay in uu fududeeyo sida developers-ka ula macaamilaan database-yada. Halkii aad ku qori lahayd SQL queries gacantaada, Prisma waxay kuu oggolaanaysaa inaad la hadasho database-ka adigoo isticmaalaya code fudud oo nadiif ah, sida object-yo iyo functions.

Haddii hore ORM-yada ay ahaayeen kuwo culus oo adag, Prisma waxay keentay nidaam cusub: degdeg, nadiif, iyo developer-friendly. Waxaa loogu talagalay in uu si toos ah ula shaqeeyo database-yada sida PostgreSQL, MySQL, SQLite, MongoDB, iyo xitaa PlanetScale.

Prisma waxay ka kooban tahay saddex qaybood oo muhiim ah:

Prisma Client – library aad ku qorto queries nadiif ah, sida await prisma.user.findMany().

Prisma Migrate – qalab kaa caawinaya inaad maamusho isbeddellada database-ka (migrations), si aan waxba u lumin.

Prisma Studio – dashboard GUI ah oo kuu oggolaanaya inaad aragto xogtaada live, adigoon SQL furin.

Bal qiyaas inaad leedahay maktabad buugag ah. Prisma waa qof kuu turjumaya — adiga waxaad leedahay “I sii buugta ay qoreen dadka da’da yar”, isaguna wuxuu u rogaa luuqadda ay database-ka fahmi karto, sida SELECT * FROM books WHERE age < 25.

Marka la eego backend development, Prisma waa saaxiibka ugu fiican ee frameworks sida Next.js, NestJS, Express, iyo Fastify. Waxay si fiican isugu xirmaan si ay u dhisaan API adag oo xogta si degdeg ah u akhriya, u qoro, una cusboonaysiiya.

Prisma waa sida tarjumaanka u dhexeeya developer-ka iyo database-ka. Adiga waxaad la hadlaysaa code, isaguna wuxuu u turjumayaa luuqadda xogta. Waa ORM ka dhigay backend development mid fudud, ammaan, iyo la fahmi karo. Qof kasta oo backend developer ah waa inuu bartaa Prisma si uu u dhiso nidaamyo xog ku shaqeeya oo casri ah.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles