
API waa erey in badan la maqlo, balse badanaa si fudud looma fahmo. Erayga oo buuxa waa Application Programming Interface. Haddii si caadi ah loo dhigo, waa albaabka barnaamijyada ay ku wada hadlaan. Ma aha qofka isticmaala software-ka ee waa koodhka iyo barnaamijyada kale oo is dhexgal sameenaya.
Tusaale fudud: waxaad haysataa app cimilada ku tusaya heerkulka magaaladaada. App-kaasi maaha in uu isagu xogta cimilada soo saaro, balse wuxuu adeegsanayaa API oo ka yimaada shirkad cabbirta cimilada. Marka app-kaaga wuxuu u dirayaa codsi (request) API-ga, kadibna API-ga wuxuu soo celinayaa jawaab (response) sida “Muqdisho maanta waa 26°C, roob yar ayaa da’aya”. App-kaga kaliya waa mid isticmaalaya xogtaas.
API waxa uu leeyahay laba wajibaad oo muhiim ah. Mid waa in uu caddeeyo sida xogta loo codsado: tusaale ahaan, haddii aad rabto cimilada magaalo gaar ah, waa inaad raacdo qaaciddada ay dejisay API-ga. Wajibaadka labaad waa in uu difaaco xogta: qof walba ma geli karo, waxaa lagu darayaa sharciyo sida API key ama authentication si loo hubiyo cidda adeegsanaysa.
Waxaa kale oo muhiim ah in la fahmo noocyada API-yada. Waxaa jira REST API oo ku shaqeeya HTTP requests sida GET, POST, PUT iyo DELETE. Waxaa jira GraphQL oo qofka isticmaala siinaya awood uu si gaar ah u codsado xogta uu doonayo. Waxaa jira sidoo kale WebSocket API oo xogta si toos ah ugu soo gudbiya iyadoo waqtiga dhabta ah lagu jiro.
Sababta API muhiim ugu yahay software-ka waa mid aan la iska indho tiri karin. Waxaa suuragal noqda in app-yada kala duwan ay is dhexgalaan. Waxaa suuragal noqda in adeegyo yaryar (microservices) loo kala qaybiyo shaqooyinka software-ka oo si fudud u wada xiriira. Waxaa suuragal noqda in ganacsi uu soo bandhigo adeegyo dadka kale ay ku dhistaan wax cusub.
Tusaale ahaan, haddii bangi uu leeyahay API lacag wareejinta, shirkad kale waxay dhisi kartaa app lacag diris ah oo ku tiirsan bangigaas. Haddii shirkad tiknooloji leedahay API sawir-ogaanshaha, barnaamijyo kale ayaa adeegsan kara si ay u aqoonsadaan wejiyada dadka.
API waa sida turjumaan dhex jooga barnaamijyo kala duwan. Adiga oo aan garan waxa gudaha ka socda, waxaad ku wada hadli kartaa luuqad cad oo la dejiyay. Developer kasta oo raba in software-kiisu la jaan qaado caalamka waa inuu barto, fahmo oo isticmaalaa API. Waa halbawlaha isku xiraya tiknoolajiyada maanta.
More like this

Waa Maxay Prisma
Prisma waa ORM (Object Relational Mapper) casri ah oo loogu talagalay in uu fududeeyo sida developers-ka ula macaamilaan database-yada. Halkii aad ku qori lahayd SQL queries gacantaada,

Waa Maxay Full-Stack Development
Full-Stack Development waa marka developer uu isku mar yaqaan dhinaca hore ee software-ka (Frontend) iyo dhinaca gadaal ee qarsoon (Backend). Waa xirfad isku dhafan oo qofka ka dhigta inuu ka shaqeyn karo dhammaan meelaha software-ka, laga bilaabo muuqaalka user-ku arko ilaa server-ka xogta kaydiya.

Waa Maxay ExpressJS
Express.js waa framework fudud oo xoog badan oo loogu talagalay Node.js. Waa qalab ka dhigay dhisida backend iyo APIs mid sahlan, nadiif ah, isla markaana la fahmi karo.