Full-Stack Development waa marka developer uu isku mar yaqaan dhinaca hore ee software-ka (Frontend) iyo dhinaca gadaal ee qarsoon (Backend). Waa xirfad isku dhafan oo qofka ka dhigta inuu ka shaqeyn karo dhammaan meelaha software-ka, laga bilaabo muuqaalka user-ku arko ilaa server-ka xogta kaydiya.

Frontend, sidaan hore uga hadalnay, waa wajiga hore: HTML, CSS, JavaScript iyo frameworks sida React, Vue, ama Angular. Backend waa halka xogtu taala: Node.js, Django, Laravel, iyo databases sida MySQL, MongoDB, ama PostgreSQL. Marka labadan dhinac la isku daro, waxaa la dhahaa developer-ku waa Full-Stack Developer.

Waxaa jira stacks caan ah oo la isticmaalo:

MERN Stack: MongoDB, Express.js, React, Node.js.

LAMP Stack: Linux, Apache, MySQL, PHP.

Bal qiyaas makhaayad. Frontend waa menu-ga quruxda badan ee macaamiishu arkaan. Backend waa jikada gadaasha ee cuntada lagu kariyo. Full-Stack Developer waa qofka yaqaan sida menu loo naqshadeeyo iyo sida cuntada loo kariyo. Qofkaas wuxuu awood u leeyahay inuu makhaayad dhan isku maamulo, xitaa haddii uu keligii shaqeynayo.

Marka Soomaaliya la eego, Full-Stack Developers waa fursad weyn. Ganacsiyada yaryar iyo startups badan ma awoodaan inay shaqaaleeyaan koox badan oo kala duwan, sida frontend, backend, iyo devops. Halkaas waxaa ka soo muuqda Full-Stack Developer oo awood u leh inuu mashruuc dhan sameeyo design ilaa deployment. Caafimaadka, ganacsiga, iyo waxbarashada waxaa lagu saleyn karaa nidaamyo digital ah oo hal qof ama labo qof oo Full-Stack ah sameeyaan bilow ilaa dhamaad.

Full-Stack waa xirfad qaaliga ah ee developer-ka ka dhigta mid dhammaystiran. Waa isku darka naqshad iyo mishiin, muuqaal iyo maskax, hore iyo gadaal. Noqo Full-Stack Developer.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles