Frontend Development waa wajiga hore ee software-ka — waa waxa user-ku arko oo gacantiisa ku taabto. Haddii Backend uu yahay mishiinka gadaashiisa ka shaqeeya, Frontend waa muraayadda iyo badhamada aad ka isticmaalayso. Frontend wuxuu ka kooban yahay naqshadda muuqaalka (UI) iyo sida user-ku ula falgalayo (UX).

Tiknoolajiyada aasaasiga ah ee Frontend waa:

HTML: wuxuu dhisaa qaab-dhismeedka bogga (sida lafaha jirka).

CSS: wuxuu bogga ka dhigayaa mid qurux badan (sida dharka iyo midabka).

JavaScript: wuxuu bogga ka dhigaa mid firfircoon oo falcelin sameeya (sida maskaxda dhaqaajisa jirka).

Dunida casriga ah waxaa jira frameworks iyo libraries caan ah sida React, Angular, iyo Vue, kuwaas oo fududeeya dhisida UI adag oo degdeg ah. Waxaa intaas dheer in Frontend uu ku shaqeeyo Responsive Design, taas oo macnaheedu yahay in website ama app uu si fiican uga muuqdo mobile, tablet, iyo computer.

Bal qiyaas makhaayad. Frontend waa qeybta hore ee quruxda badan ee aad aragto: miisaska la qurxiyay, menu-ga aad akhrinayso. Backend waa jikada. Customer-ku kaliya wuxuu arkaa Frontend.

Frontend waa wejiga software-ka ee dadka lagu soo jiito. Waa meesha user-ku ku go’aansado inuu sii isticmaalo ama ka tago. Qof kasta oo developer ah waa inuu barto Frontend si qoto dheer, oo fahmo ma aha kaliya sida loo qurxiyo, balse sida loo sameeyo UI iyo UX fiican oo user-ka qanciya. Software wanaagsan waa mid ay isku dheellitiran yihiin Backend adag iyo Frontend qurux badan.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles