
Marka laga hadlayo dhisidda software, waxaa jira laba eray oo developers-ka si joogto ah u adeegsadaan: Library iyo Framework. Labaduba waa code hore loo diyaariyay oo loogu talagalay in ay ka caawiyaan dhisida software, balse farqi muhiim ah ayaa u dhexeeya, inkasta oo badanaa lagu wareero.
Library waa functions iyo code hore loo diyaariyay oo developer-ka ka caawiya hawl gaar ah. Control-ka adiga gacantaada ayay ku jirtaa: adiga ayaa go’aansanaya goorta iyo sida aad u isticmaalayso. Waa qalab kuu fududeynaya inaad shaqo yar si dhaqso ah u dhammaystirto, iyadoo control-ku gebi ahaanba gacantaada ku jiro.
Framework se waa qaab-dhismeed ballaaran oo nidaam iyo sharci kuu dejinaya. Framework isagaa xakameeya socodka barnaamijka, adiguna waxaad ku dari doontaa code-kaaga meelaha uu kuu bannaynayo. Waxaa la yiraahdaa: Library adiga ayaa isticmaala, Framework isagaa ku isticmaala.
Haddaba, aan tusaale cad ka qaadanno ReactJS iyo Next.js.
ReactJS waa Library. Waxa uu ku siinayaa tools kuu oggolaanaya inaad dhisto UI adigoo adeegsanaya components. Waxaad heysataa xorriyad buuxda: routing, state management, iyo sida aad u kala dhiseyso components adiga ayaa mas’uul ka ah. Waa mid dabacsan oo gacantaada ku jira maamulka. ReactJS waa sida qalab farshaxan oo laguu dhiibay—adiga ayaa dooranaya sida aad u adeegsanayso.
Next.js se waa Framework ku dhisan ReactJS. Waxa uu leeyahay qaab-dhismeed cad oo ku hago. Routing waa mid automatic ah, file kasta oo pages directory ku jira wuxuu noqdaa route. Waxaa ku dhex jira SSR (Server Side Rendering), SSG (Static Site Generation), iyo API routes oo backend fudud kuu dhisaya. Next.js isagaa nidaamka kuu dejinaya, adiguna waxaad ku dari code-kaaga halka uu kuu oggol yahay. Waa sida naqshadeeye kuu diyaariyay qorshe guri dhammeystiran, adiguna kaliya waxaad ku daraysaa faahfaahinta gudaha.
Library waa qalab aad sidaad rabto u adeegsan karto, halka Framework uu yahay nidaam ku hagaya oo kuu fududeynaya dhismaha mashruuca. Marka laga eego farqiga u dhexeeya ReactJS iyo Next.js: ReactJS waa dabacsanaan iyo control buuxa oo adiga gacanta ku jira, halka Next.js uu yahay qaab-dhismeed diyaar ah oo kaa badbaadinaya qalad kuuna ilaalinaya waqtiga. Fahamka farqigan ayaa ka dhigaya developer mid si caqliyeysan u doorta waxa ugu habboon mashruuca uu gacanta ku hayo.
More like this

Waa Maxay ExpressJS
Express.js waa framework fudud oo xoog badan oo loogu talagalay Node.js. Waa qalab ka dhigay dhisida backend iyo APIs mid sahlan, nadiif ah, isla markaana la fahmi karo.

Waa Maxay Full-Stack Development
Full-Stack Development waa marka developer uu isku mar yaqaan dhinaca hore ee software-ka (Frontend) iyo dhinaca gadaal ee qarsoon (Backend). Waa xirfad isku dhafan oo qofka ka dhigta inuu ka shaqeyn karo dhammaan meelaha software-ka, laga bilaabo muuqaalka user-ku arko ilaa server-ka xogta kaydiya.

Waa Maxay Frontend Development
Frontend Development waa wajiga hore ee software-ka — waa waxa user-ku arko oo gacantiisa ku taabto. Haddii Backend uu yahay mishiinka gadaashiisa ka shaqeeya,