Smart Contracts waa fikrad ka dhalatay Blockchain, gaar ahaan Ethereum. Haddii si fudud loo dhigo, waa heshiis ku qoran code, kaas oo automatic ahaan fulmaya marka shuruudihii la dhigay la buuxiyo. Waxaad u fikiri kartaa sida qandaraas caadi ah, laakiin halkii uu qareen ama qof dhexdhexaad ah ku ilaalin lahaa, code ayaa ilaalinaya.

Smart Contract wuxuu ku shaqeeyaa mabda’a “if – then”: haddii xaalad gaar ah la buuxiyo, markaas ficil gaar ah ayaa si automatic ah u dhacaya. Tusaale ahaan, haddii qof lacag ku shubo account gaar ah, Smart Contract ayaa isla markiiba diraya hanti, token, ama document digital ah, iyadoo aan qof dhexdhexaad ah ku lug lahayn.

Faa’iidada ugu weyn waa kalsoonida iyo automation. Maadaama Smart Contracts ku jiraan Blockchain, lama beddeli karo marka la sameeyo. Qof kasta oo shabakad ku jira ayaa arki kara, waxaana la fulinayaa si hufan. Taasi waxay meesha ka saartaa musuq, dib u dhac, iyo kalsooni darro.

Bal qiyaas beeraley Somali ah iyo ganacsade magaalada jooga. Haddii heshiiskooda lagu dhigo Smart Contract, waxaa loo qori karaa: “Haddii 100 kiilo oo bariis la keeno, lacagta si automatic ah u wareeji.” Marka shuruuddaas la buuxiyo, code-ka ayaa lacagta si automatic ah u diraya, qofna gacantiisa kuma jiro. Haddii shuruuddu aan la buuxin, lacag ma baxeyso.

Marka Soomaaliya la eego, Smart Contracts waxay noqon karaan xal weyn oo lagu xaliyo dhibaatooyin badan. Hantida dhulka oo lagu diiwaangeliyo Smart Contracts waxay meesha ka saari lahayd isqabqabsi iyo musuq. Lacagaha ganacsiga oo lagu xiro Smart Contracts waxay meesha ka saari lahayd khilaafyo iyo dib u dhac. Xitaa nidaamyada dowliga ah sida procurement-ka iyo qandaraasyada shirkadaha waa lagu maamuli karaa Smart Contracts si hufnaan iyo daahfurnaan leh.

Smart Contracts waa sida heshiis qoraal ah oo aan marna la jebin karin, balse aan qof ku xiranayn ee code iyo Blockchain ku socdo. Waa tiknoolajiyo u furan Soomaaliya haddii si dhab ah loo barto, waana jid loo maro in musuq iyo kalsooni darro laga saaro nidaamyada bulshada. Qof kasta oo developer ah waa inuu fahmaa Smart Contracts, maxaa yeelay waa halka uu mustaqbalka heshiisyada digital-ku u socdo.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles