Blockchain waa tiknoolajiyada ka mid ah kuwa dunida beddelay. Haddii si fudud loo dhigo, waa hab lagu kaydiyo xog si loo wadaago, loona ilaaliyo, iyadoo aan jirin hal meel oo kaliya oo ay ku tiirsan tahay. Blockchain wuxuu ka kooban yahay “Blocks” isku xiran, block kastaana wuxuu hayaa xog iyo hash gaar ah oo isku xiraya block-kii ka horreeyay. Taasi waxay ka dhigeysaa xogta mid aan la beddeli karin, maxaa yeelay hal isbeddel oo la sameeyo wuxuu burburinayaa silsiladda oo dhan.

Hash waa nambaro iyo xarfo isku dhafan oo matalaya xog. Marka block cusub la sameeyo, waxaa loo abuuraa hash gaar ah. Haddii xogta wax yar isbeddesho, hash-kiisu gabi ahaanba waa isbeddelayaa, taasoo isla markiiba muujineysa in xog la taabtay. Tani waa sababta Blockchain loogu yeero ammaan iyo kalsooni.

Waxaa kale oo jira Mining oo ah hab lagu xaqiijiyo blocks cusub, halka Nodes ay yihiin kombiyuutarro kala duwan oo dunida ku kala firirsan, kuwaas oo wada hubiya in xogta la isku dirayo ay sax tahay. Fikradda ugu weyn waa Decentralization — xogtu hal meel kuma urursana, cid kaliya ma xukunto, balse waxaa wada ilaaliya kumannaan kombiyuutar oo isku xiran.

Dunida maanta, Blockchain waxa uu ka baxay lacagaha digital-ka sida Bitcoin oo keliya. Waxaa lagu isticmaalaa Smart Contracts oo ah heshiisyo automatic ah oo aan u baahnayn qareen ama qof dhexdhexaad ah, balse code ahaan u fulmaya marka shuruudihii la dhigay la buuxiyo. Waxaa sidoo kale lagu adeegsadaa supply chain, caafimaadka, iyo maamulka dowladaha.

Bal qiyaas hanti la wada leeyahay oo xaafad dhan dadkeedu isku dayaan inay si wadajir ah u ilaashadaan. Haddii midkood isku dayo inuu beddelo xogta hantida, intii kale ayaa isla markiiba ogaanaysa oo diidaysa. Taasi waa Blockchain — nidaam ay wada ilaaliyaan dhammaan xubnaha, oo aan qof keliya awood u lahayn inuu xogta beddelo.

Marka Soomaaliya la eego, Blockchain weli si dhab ah looma hirgelin. Halka dunida kale Blockchain lagu adeegsado lacag, caafimaad, iyo xitaa diiwaangelinta dhulka, Soomaaliya weli xog badan ayaa lagu kaydiyaa qaab caadi ah oo fudud in lagu khaldo ama lagu musuqo. Haddii dhulka, caafimaadka, iyo bangiyada lagu dhisi lahaa Blockchain, xogta waxay noqon lahayd mid lagu kalsoonaan karo, la wada arki karo, isla markaana aan si fudud loo musuqi karin.

Waxaan halkaan ka fahmaynaa Blockchain inee xal u tahay musuqa oo ah waxa ugu badan ay soomaalida ka cawadaan.

Blockchain waa sida buug la wada leeyahay oo qof kasta nuqul ka haysto, haddii mid ka mid ah uu isku dayo inuu buuggiisa beddelo, intii kale isla markiiba way ogaanayaan oo diidayaan. Waa tiknoolajiyo muhiim ah oo Soomaaliya ka caawin karta inay ka gudubto dayaca xogta iyo musuqmaasuqa, haddii si dhab ah loo fahmo lana hirgeliyo. Qof kasta oo developer ah waa inuu ogaadaa in mustaqbalka amniga iyo kalsoonida digital-ka uu ku xirnaan doono Blockchain.

Mr Sharafdin

Mr Sharafdin

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

31
Articles